Jabuuti: xaflad ballaaran oo lagu furay Saldhiggii Militari ee Shiinaha


London (Kasmo), Talaadadii 1dii Agosto Dowladda Shiina ayaa si rasmi ah ugu xafladaysay furitaanka Saldhiggii  Militari ee ugu horreeyay ee ka baxsan dalkeeda  uguna yaalla Jamhuuriyadda Jabuuti.

Damaashaad military oo ay ka soo qaybgaleen 300 oo qof waxaa ka mid ahaa ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Badda Shiinaha, Tian Zhong iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Cali Xasan Bahdoon.

Saldhigga oo dhismihiisa la soo bilaabay 12kii April 2016kii wuxuu furitaankiisu ku soo beegmayaa sannad-guurada 90aad ee asaaska Xoogga Dalka Shiina “People’s Liberation Army”.

Inta badan waxaa loo adeegsan doonaa sahay-siinta maraakiibta, hawlgallada aadaminimo iyo nabad-ilaalinta dalalka Yaman iyo Soomaaliya,  waxaana jira dad walwal ka qaba in, iskaashiyada military ee Jabuuti, Bangladesh, Myanmar iyo Sri Lanka, Shiinuhu ku doonayo in uu ku hareereeyo India.

Laakiin Xukuumadda Peking ayaa ku adkaysanaysa in aanay ujeeddooyin dhul-ballaarsi ah ka lahayn arrimahaas balse looga gol leeyahay tayaynta hawlgalinta Ciidammada ee dibadda.

Heshiisku wuxuu Shiinaha u oggolaanayaa in ay Jabuuti ku haysan karaan ciidan gaaraya ilaa 10,000 oo askari ilaa sannadka 2026ka.

Jabuuti oo horey loo oran jiray “French Somali Coast” waa dal yar oo ku yaalla Geeska Afrika, isla markaasna leh ahmiyad Istrateeji ah, isaga oo ku yaalla marinka Badda Cas iyo Bariga Dhexe.

Shiina ka sokow waxaa kale oo saldhigyo ciidan ku leh Maraykanka oo diyaaradihiisa Drones-ka uga duulaan argagixisada Yaman, Japan  iyo dalka Fransa oo horey u soo gumaysan jiray.

Kasmo Online

 

 

Post Comment