Itoobiya: Talyaaniga oo ka kaashanaya xakamaynta qaxootiga


London (Kasmo), Dalka Talyaaniga oo ka mid ah irdaha laga soo galo Yurub waxaa, intii u dhexaysay 1dii Jenaayo ilaa 6dii Agosto 2017, soo gaaray qaxooti tiradiisu gaarayso 96,438 .

Xukuumadduna waxay 2dii Febraayo la saxiixatay dalka Libiya  heshiis lagu xakamaynayo qulqulka qaxootiga, laakiin mashkiladdu kuma koobna Liibiya oo qur ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa 10kii Agosto shaaca ka qaadday in Xukuuma Rome ugu yaboohayso dalka Itoobiya lacago deeq ah oo gaaraysa 2 malyuun oo Euro oo loogu talagalay in lagu bixiyo tiro mashaariic ah oo la iska kaashanayo Dowladda Itoobiya una danaynaysa qaxootiga  ku sugan dalkaas.

Sida qoraalka ku cad waa tillaabo aadaminimo oo degdeg ah laguna taageerayo qaxootiga faraha badan, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Eritrea ee ku sugan 4 xero oo ku yaalla  Gobolka Tigray.

Tillaabadan cusub waxaa kale oo qayb ka ah maalgalinta mashaariic dheeri ah oo lagu taageerayo jaaliyadaha martigalinaya qaxootiga, si loo helo xasilloonida dagaanka.

Intii u dhexaysay 2013-2015 Itoobiya waxay martigalisay in ka badan 670,000 oo qaxooti ah, gaar ahaanna ka soo jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koofureed iyo Eritrea.

Ha’adda UNHCR ee Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga  ayaa sheegtay in bishii Juun 2016kii, Addis Ababa oo qur ah ku sugnaayeen17,345 qofood oo qaxooti ah.

Kasmo Online

Post Comment