Itoobiya: Barakac ka dhashay khilaafka Soomaalida iyo Oromada


London (Kasmo), Iska horimaadyadii maalmo dhoweyd ka dhacay Soomaalida iyo Oromada, bariga Itoobiya, waxaa ku dhimatay ilaa 50 qof, Axaddii horena, Lema Megersa, Guddoomiyaha Gobolka Oromiya, wuxuu sheegay in uu jiro barakaca dad gaaraya 50,000 oo qofood.

Labada Maamul oo ah kuwa ugu dhulka ballaaran Itoobiya waxay wadaagaan xad dhuleed oo aad u dheer oo ay ku teedsanyihiin degmooyin fara badan iyo miyiba, mid kastana midda kale ayay eedda dusha ka saaraysaa.

Gobolka Soomaalida, nolosha dadku waxay ku tiirsantahay dhaqashada xoolaha, halka Oromadu badankoodu yihii beeraleey, xiriirka 2duna wuxuu taariikh ahaan ku fadhiyaa baratanka dhulka iyo kheyraadka oo mararka qaar isu beddela dagaallo.

Intii u dhexaysay 2015-2016 dadka ku dhintay rabshadaha la xiriira dhulka ee Oromada, gaar ahaan qorshihii ballaarinta Addis Ababa, waxay gaarayaan 699 qofood,

Sannadkii 2004tii afti loo qaaday xallinta khilaafaadka dhulka ma noqon mid lagu guulaysto, laakiin heshiiskii u dambeeyay ee 2da Maamul wuxuu ku beegnaa 20kii April 2017.

Kaas oo ay saxiixeen 2da Guddoomiye, Cabdi Maxamud Cumar oo Soomaalida ah iyo Lema Megersa oo Oromada ah, la iskuna afgartay hirgalinta aftidii 2005tii ee 147da “Kebels” ama degmo ee xadka 2da Qowmiyad iyo sidii nabad loogu wada noolaan lahaa

Baaq Xukuumadda Maraykanku, 19kii September,  ka soo saartay Safaaraddeeda Addis Ababa waxaa Itoobiya looga codsanayaa  in ay samayso isbeddel xagga siyaasadda ah, si loo dejiyo xiisadda, loona helo si daah-furnaan ah wixii dhacay.

Xukuumadda Dhexe ayaa ciidammo soo kala dhex dhigtay si hubka looga qaado dadka rayidka, loona ilaaliyo nabadgalyada waddooyinka  gobolladaas iyo dalka intiisa kale, laakiin mashkiladda ayaa ku noqonaysa culays Xukuumadda Federaalka oo cadaadis badan oo siyaasadeed horey u saarnaa.

Kasmo Online

Post Comment