Italy: Cismaan Matammud, Ma-gafihii Soomaaliga ahaa oo Xabsi-daa’im lagu xukumay


London (Kasmo), Maxkamad ku taalla Woqooyiga Talyaaniga ayaa maanta ku xukuntay “xabsi daa’im”,nin magaciisa lagu sheegay Cismaan Matammuud oo 22 jir ah, dhalashadiisuna Soomaali tahay, oo ku eedeysnaa in uu ciqaabi jiray dadka tahriibka ku mara Libiya ee Yurub ku jeeda.

Dhagaysiga dacwadda oo 5 saacadood ka socday Maxkamadda Milano ayaa lagu go’aamiyay xukunkiisa, isaga oo lagu helay in uu dilay, silciyay, kufsaday tobannaan qofood oo ku jiray Xerada “Abu whalid” ee ku dhow Caasimadda Tripoli.

Cismaan oo lagu tuhunsanaa in uu ka mid yahay “Ma-gafayaasha Libiya”, waxaa 26kii September 2016kii laga qabtay gudaha Milano, ka dib markii ay aqoonsadeen koox Soomaali ah oo ku jiray xerada soo dhoweynta qaxootiga “Via Sammartini” kuwaas oo Boliiska wargaliyay.

Qaar ka mid ah dadkii uu silciyay oo Garsoorka hortiisa la keenay ayaa ka warramay sheekooyin naxdin leh, sida jirdil loo adeegsaday xargo silig ah, iyaga oo muujiyay dhaawacyadii la sheegay in uu u gaystay, intii ay ku jireen xerada tahriibka Libiya.

Baaritaan dheer oo uu sameeyay Xeer-ilaaliyaha, Marcello Tatangelo, waxaa lagu caddeeyay in ninkan dhallinyarada ah uu ka geystay xerdadaas gaboodfallo isugu jira dilal iyo kufsi, laakiin  Qareenka difaacaya, Gianni carlo Rossi, ayaa ku dooday in Cismaan uusan ku jirin maamulayaashii xerdada Abu Whalid, laakiin uu yahay tahriibe si caadi ah u soo raacay dadka kale.

Kasmo Online

Post Comment