Israel: Weerar lagu dilay 3 askari, mid kalena lagu dhaawacay Daanta Galbeed


London (Kasmo), 2 ka mid ah ilaalada xadka iyo 1 askari oo Boliiska ah ayaa lagu dilay, mid 4aadna waa lagu dhaawacay, weerar ka dhacay saaka gudaha Xaafadda “Har Adar” ee Degaamada Yuhuudda looga sameeyay Daanta Galbeed, kuna dhow Jerusalem.

Ninka weerarka fuliyay oo lagu magacaabay Nimr Maxamuud Axmad oo 37 jir ah waxaa la sheegay in uu haystay ruqsadda shaqada, isaga oo  la socday koox shaqaale ah, wuxuuna bastoolad ku weeraray ilaaladii goobta, oo markii dambe toogasho ku dilay.

Ilaa bilowgii kacdoonkii Oktoobar 2015kii ee la magacbaxay “Intifaadadii mindiyaha” in ka badan 40 Yuhuud ah ayaa lagu dilay weerarro noocaan la mid ah, laakiin mas’uuliinta ayaa walaac ka qaba kororka isticmaalka hubka qoryaha ah.

Ururka Xamaas oo dhowaan la heshiiyay Fatax iyo Madaxweyne Abu Mazen ayaa bogaadiyay weerarka, kuna sifeeyay “Bog cusub oo u  furmay kacdoonka Israel”, laakiin si rasmi ah uma sheegan wali.

Kasmo Online

 

 

Post Comment