India: 28 Malyuun oo tartan u gashay 110 kun oo jagooyin shaqo ah.


London (Kasmo), Jagooyinka shaqo ee bannaan waxay dhammaayeen 110,000, laakiin tirada tartanka u soo gashay waxay gaarayaan 28,000,000 oo qofood, sida ka dhacday India maanta, 31 March.

Wargayska ‘The Times of India’ ayaa xusaya in uu yahay  tartankii ugu weynaa oo loo galo shaqo, midkaan oo laga soo abaabulay Shirkadda Tariinnada dalka.

Ricii hore oo maalmo ka hor la qaaday wuxuu ku saabsanaa 90,000 oo jago, halka bisha dambe uu iman doono mid labaad oo ka kooban 20,000 oo jago.

Mushaaraadka laga filayo jagooyinkaas shaqo waxay u dhexeeyaan 18,000 oo Rupee (250 Euro) bishiiba, ugu badnaanna 63,200 oo Rupee (790 Euro) oo ah kaalimaha shahaadooyinka u baahan.

Shirkadda Tariinnadu waa shaqo bixiyaha ugu weyn dalka oo ay u qoranyihiin in ka badan 1,3 Malyuun oo shaqaale ah. Shaqa la’aantu waa mid fara kulu ku haysa India oo ah dal ay degganyihiin in ka badan 1,3 Bilyan oo dadweyne ah.

Kasmo Online

Post Comment