Iiraan oo soo bandhigtay Gantaal cusub oo nooca “Ballistic” ee riddada dhexe


London (Kasmo), Iiraan ayaa maanta oo Jimce ah, 22kii Septembar, munaasibaddii dhoollatuska Militari ee xuska dagaalkii dhexmaray Ciraaq, 22kii Septembar 1980kii, soo bandhigtay Gantaal cusub oo nooca “Ballistic”-ga” riddada dhexe, sida ay shaacisay wakaaladda Wararka Tasnim News Agency.

Gantaalka oo loogu magacdaray “Khorramashahr” oo ah magaalo ku taalla koofur/galbeed,  halkii ciidanka Ciraaq ku soo qaadeen weerarkii kadiska ahaa, dagaalkii 2da dal, waxaa lagu soo raray gaadiid Militari si loo daawado.

Taliyaha Ciidammada Cirka Ilaalada Kacaanka Iiraan, S/Guuto Amir Ali Hajizadeh, ayaa shaaca ka qaaday in Gantaalku gaarayo 2,000 oo Km, isla markaasna ku qalabaysanyahay Mashiinka “MIRV”  (Multiple Independently targetable Reentry Vehicle),  oo macnaheedu yahay in uu xambaari karo madaxyo badan oo lagu toogan karo bartilmaameedyo ku jira gudaha masaafo dhan 1,800 oo Km.

Iiraan waxay ku adkaysatay in ciidammadeedu  wax halis ah ayan ku ahayn dalalka Gobolka, mabaadii’deeda difaacuna ku fadhiyaan oo qur ah iska caabbin.

Dhoollatusku wuxuu ku soo beegmay 2 maalmood oo qur ah ka dib dhammaadkii Fadhigii 72aad ee Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ka soconayay  New York, 18ka ilaa 20ka Septembar 2017.

Munaasibaddaas,  Madaxweyne Donald Trump ayaa dhaleeceyn u soo jeediyay Heshiiskii Nuclearka Iiraan “JCPOA” (Joint Comprehensive Plan Of Action) ee lagu saxiixay 14kii July 2015kii, kaas oo  qaadayay xayiraadihii Caalamiga ahaa ee Iiraan oo looga bedeshay xadaynta barnaamijkeeda Nuclearka.

Ereyada Trump waxaa  si cara leh uga jawaabay, Madaxweynaha Iiraan, xasan Ruuxaaani, oo ku tilmaamay qaar jahli iyo nacayb ku fadhiya, isla markaasna ka buuxaan been an sal lahayn.

Kasmo Online

Post Comment