Iiraan oo gurmad xagga cirka ah u fidinaysa Qadarta go’doonsan


London (Kasmo), Iiraan ayaa bilowday in ay u gurmato, si ay uga saarto Qadar go’doominta la galiyay, iyada oo ka daboolaysa baahida nolol-maalmeedka Imaaradda ay ku noolyihiin 2,7 malyuun, saxarahana u badan.

Daabulaad xagga circa ah ayaa maalintii lagu gaynayaa Dooxa 100 Tan oo cunta ah oo isugu jira khudradda, hilibka iyo miraha kale ee la quuto, kuwaas oo Qadar 80%  ka soo iibsan jirtay dibadda, inta badanna u soo mari jireen jidka weyn ee ku xira Sacuudiga oo hadda xiran.

Diyaaradihii ugu horreeyay oo nooca xamuulka ah B-747F ayaa shalay 4 ka mid ah oo ka soo kacay magaalada Shiraz waxay ka dageen garoonka Dooxa, dhanka baddana (oo 200 oo Km 2da dal u dhexayso)  waxaa la sheegay in doonyo badan oo raashin iyo sahay wada ka hawlgali doonaan maalin kasta.

Warshadaha raashinka iyo wax-soosaarka jumlada ayaa ka faaideysanaya “ganacsigan cusub”, kaas oo markiisii horeba ka dhaxeeyay 2da dal, siina xoogayanayay, xilligii cunaqabatayntu saarnayd Iiraan qudheeda.

Waana mid ka mid ah sababaha khilaafka soo dhexgalay Sacuudiga oo waligii raadinayay in uu go’doon ballaaran galiyo Rejiimka Tehraan oo ay ka dhaxayso colaad hoose.

Dalka Turkiga ayaa horey ugu yaboohay in uu Qadar ka taageerayo  go’doominta la galiyay, laakiin dariiqa Iiraan ayaa xagga dhowaanta noqonaya mid uga sii habboon.

Dhanka kale waxaa soconaya dadaalladii Dibolomaasi ee Amiirka Kuwai, Sabax al- Axmad al-Sabax, waxaana ku soo biiray Boqorka Marokko, Maxammed VI oo ku yaboohay dhexdhexaadin, si loo damiyo xiisadda dalalka Sunnada ah.

Dagaalka ka dhex qarxay bahwadaagta Khaliijka wuxuu ka fajiciyay reer Galbeedka, iyada oo Saldhigga Maraykanka ee B/Dhexe ugu weyn iyo Taliska “Centcom” fadhiyaan Dooxa, halkaas oo diyaarado Iiraan leedahay sahay ka dajinayaan.

Kasmo Online

Post Comment