Heesuhu Xalaal iyo Xaaraan Waa Midkee?


Fanaaniin iyo qalab MuusigSu’aalaha sanooyinkii danbe muslimiintu aadka isu weydiiyaan waxaa ka mid ah midda oranaysa: fanku –heesaha iyo mashdhacu – ma xalaal baa mise waa xaaraan?

Waxaana mudan in lagu baraarugsanaado in su’aasha qaabkaas loo dhigaa aysan wax quman uga duwanayn in la isweydiiyo hadalku ma xalaal baa mise waa xaaraan?

Taariikhda aadamiga oo dhan waa adag tahay in laga soo helo bulsho aan heeso iyo muusig lahayn, oo run ahaantii bulshooyinka adduunku marna kuma kala duwanayn jiritaanka fanka, balse waxay ku kala duwanaayeen nooca iyo tayada fanka.

Waxaa taa dheer, in noolayaasha kale qaarkood ay dadka la wadaagaan ka helidda codka iyo laxanka macaan. Arrinkuna wuxuu gaarey heer la sheegay in aadamigu muusikada ka bartay dabeecadda qudheeda.

Marka dib loo milicsado dhigaallada taariikhda Islaamkana, siiba kuwa ka hadla taariikhda aqoonta muslimiinta waxaa la ogaanayaa in magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiino- gaar ahaan tan danbe- ay qarniyadii hore ee Islaamka ahaayeen hooyada fanka muslimiinta, oo ay fanka Muslimiinta uga jireen halka Hargeysa fanka Soomaalida uga jirtey.

Waxaana arkaynaa culumada Islaamka qaarkood oo leh: “Labada Xaram (= Maka iyo Madiino) dadkoodu waxay isku raaceen in dhegaysiga heesuhu bannaan-yahay”, “Dadka Xijaas degaa waa ay banneeyeen (= heesaha) xataa maalmaha sannadka ugu fadliga badan ee la is faray cibaadada iyo xuska”, “reer Madiino waxay isku raaceen in dhegaysiga heesaha la oggol yahay”, “reer Madiino waxay isku raaceen in tumidda cuudku ay bannaan tahay”,….iwm.

Hase ahaatee, taniyo intii afkaarta Wahaabigu ka hanaqaadday dalka Sacuudiga, waxaa dalkaas aad loogu faafiyey doodda sheegaysa in fanka, siiba heesaha iyo muusiggu ay xaaraan yihiin.

Arrinkaasina wuxuu ahaa mid carruurta yaraanta loogu laqino jeer ay uga qaybaan sida magacooda oo kale. Balse dabshidkii 2010kii waxaa dhacay in wadaad caan ah oo dalkaas u dhashay, kana mid ahaa imaamyadii Xaramka, magaciisana la yiraahdo Caadil al-Kalbaani uu fatwoodey in heesaha iyo muusikadu ay idil ahaanba xalaal yihiin, arrinkaasina dood kulul ayuu abuuray.

Doodduna waxay xiiso sii yeelatay markii imtixaankii ardayda dugsiyada sare ee magaalada Riyaad lagu soo daray su’aal oranaysa: heesuhu ma xalaal baa mise waa xaaraan?

Su’aashaas oo muddo dheer ardayda la weydiin jirey, horay waxay u lahaan jirtey jawaab qura oo ah midda ku qoran buugga muqararka ah ee ardayda loo dhigo, balse doodda wadaadkaas abuuray kadib, ardaydu waxay ogaadeen xog aan ku qornayn buugta muqararka ah ee loo dhigo, qaarkoodna waxay ku dhiirradeen inay su’aashii uga jawaabaan si ka duwan wixii ku qornaa buuggii macalimiintu u dhigeen. Bulshada Sacuudiguna waxay isweydiiyeen: sida macallimiinta imtixaanka saxayaa ay ka yeelayaan ardayda ku jawaabay in heesuhu xalaal yihiin?

Qof-ahaanna, kolkii dooddu aloosantay waxaan isweydiiyey: muxuu noqonayaa dareenka ardaydii faraha badnaa ee jaamacadaha waddankaas loogu dhigay maadada “Suugaanta Islaamka/ al-Adab al-Islaami” ee nuxurkeedu ahaa in heesaha iyo muusikaduba xaaraan yihiin?

Yeelkadeede, doodda ku saabsan heesaha iyo muusiggu muddo dheer ayay dunida Islaamka ka jirtey.

Dhigaallada culumada Islaamku- kuwii hore iyo kuwa casrigaanba- ay arrinkaan ka qoreenna ciiddaas ayay ka badan yihiin, waxayna isugu jiraan culumo banneeyey iyo kuwo diidey labadaba.

Asalkuna waa in ay xalaal yihiin haddii aysan wehelin sabab kale oo loo xarrimaa sida in salaadda la dayaco ama arrimo kale oo xaaraan ah ay tafaha ku sitaan.

Waxaa la wariyey in saxaabigii Sacad bin Abii Waqaas (RC) oo marayey meel u dhaxaysa Maka iyo Madiina, isaga oo u socday inuu xajiyo uu hees qaaday, dabadeedna raggii safarka ku weheliyey midkood uu weyddiiyey su’aal ahayd: ma adiga oo xaj xiran ayaad heesaysaa? Sacad-na uu ugu warceliyey: ma waxaad iga maqashay wax xun oo la dhibsado?

Khaliifkii Cumar bin al-Khadaabna (RC) waxaa laga hayaa inuu yiri: “Heestu waa sahayda socotada”. Muslimiintuna – culumo iyo caamaba – taniyo sebenkii saxaabada iyo taabiciinta heesaha waa dhegaysan jireen. Wararka beenta iyo marin-habaabinta ku dhisan ee la baahiyeyna waxaa ka mid ah midka sheegaya in la isku raacay in heesaha iyo muusiggu ay xaaraan yihiin. Waxaana xusid mudan in culumadii hore ee Islaamku aysan aalaaba ku dhiirran jirin adeegsiga erayga “xaaraan”, balse ay oran jireen “ma jecli”, “ilama wanaagsana”, “waa dhibsadaa”, “asxaabtayadu waa naceen” iyo erayo kale oo la mid ah.

Waxaa jira hal aayad oo Quraan kariimka ka mid ah iyo axaadiis badan oo dadka heesaha xaaraatimeeyaa ay daliishadaan, balse culumada xalaaleeyey waxay qabaan in aayaddaas iyo axaadiista badan ee la turuurixiyaa, midkoodna aysan daliil u noqon karin xaaraamaynta heesaha iyo muusigga.

Culumada Islaamku waxay isla qirsan yihiin qaacidada sheegaysa in asalku yahay in walax walbaa ay xalaal tahay jeer laga helayo daliil sax ah oo si qeexan u xaaraameeya walaxdaas.

Culumada xalaaleeyey heesaha iyo muusigguna waxay qabaan in diinta Islaamka (=Quraanka iyo sunnada nebiga ee saxiixa ah) aan laga helayn daliil sax ah oo si qeexan u xaaraamaynaya heesaha iyo muusigga.

Quraanka kariimka waxaa ku jirta hal aayad oo ay daliishadaan dadka xaaraameeya heesaha iyo muusiggu, waana aayadda 6-aad ee Suurat Luqmaan, ee oranaysa: “ Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax mashquuliya si uu uga dhumiyo (= dadka) jidka Alle ogaan la’aan, jidka Allena ku jeesjeesa, kuwaasi waxay mudan cadaab dulleeya”. Labada eray ee aayadda ku jira ee “hadal wax mashquuliya” ayaana duulka heesaha xaaraameeyaa waxay ku macneeyaan in loola jeedo heesaha iyo muusigga.

Hase ahaatee, waxaa la rumaysan yahay in macnaha noocaas ah aan aayadda la siin karin. Aayaddu waxay ku soo degtay dad gaalo ahaa oo ku mashquulsanaa in ay dadka diinta ku diraan iyo xeeladihii ay u adeegsanayeen gaalaynta.

Sidaa darteedna aayaddu waxay ku rumoobaysaa cid kasta oo dadka diinta ku dirta iyo xeeladaha ay dagaalkaas u adeegsanayaan, si gaar ahna uga hadlimayso hees iyo muusig toona.

Culumaduna waxay yiraahdeen: xataa haddii qofku musxafka quraanka kariimka u gato si uu ugu adeegsado inuu dad ku gaalaysiiyo, gadashada musxafka waa lagu gaaloobayaa.

Dhanka axaadiistana, inkasta oo ay jiraan axaadiis badan oo arrinkaan loo daliishado, haddana axaadiistaas kuma jiraan kuwo laga helayo labada shardi ee kala ah; saxnimo iyo qeexnaan, oo axaadiista la daliishadaa waxay isugu jiraan kuwo aan sax ahayn iyo qaar aan macnahoodu qeexnayn.

Imaamkii weynaa ee Ibnu Xasmina (384-456/994-1064) waxaa laga wariyaa inuu yiri: baabkaan (=xaaraamaynta heesaha) wax sax ahi kuma soo aroorin, waxa ku soo arooray oo dhami waa been-abuur, Allaan ku dhaartaye haddii iyaga oo dhan ama midkood uu rasuulkii Alle (SCW) ka sugnaan lahaa, kama tallanneen in aan qaadanno. ….

Shiikh Maxamed al-Gasaalina wuxuu leeyahay oraah caan ah oo oranaysa: Axaadiista ku soo aroortay xaaramaynta heesuhu waa ka tabar yar yihiin axaadiista ka hadasha fadliga habeenka kala bara bisha Shacbaan.

Marar badan xaaraamaynta heesaha waxaa loo cuskadaa anshaxa iyo hab-dhaqanka fannaaniita, oo la sheego in qaar badan oo ka mid ahi ay leeyihiin habdhaqan aan wanaagsanayn.

Laakiin dhab ahaantii habdhaqanka fannaaniinta daliil loogama dhigan karo xaaraamaynta fanka, waayo dadka ku kala abtirsada xirfadaha nolosha ee kala duwan – fan, diin, caafimaad, dhaqaale, saxaafad, siyaasad, …iwm- lagama soo helayo laan dadka ku abtirsada oo dhan habdhaqankoodu uu wanaagsan yahay, oo laan walba dadka ku abtirsada waxaa laga soo helayaa dad si xun u dhaqma, arrinkaasina ma keeni karo in la canbaareeyo xirfadahaas kala duwan iyo bahda ku abtirsata.

Tusaale ahaan, wadaaddada diimaha oo dhan waxaa ku jira kuwo hab-dhaqankoodu uusan wanaagsan, haddaba taa ma loo daliishan karaa in lagu doodo in diimuhu xun yihiin oo loo baahan yahay in laga tago?

Iyada oo kooban, heesuhu waa nooc hadalka ka mid ah, sida hadalka kale oo dhanna waxay leeyihiin kuwo san iyo kuwo xun labadaba. Muusikaduna waxay la mid tahay heesaha. Muslimiintuna waxay heesaha iyo muusigga joojinayaan marka shinburuhu luuqda daayaan!

C/Saciid Cabdi Ismaaciil,

Sismail42@gmail.com

 

 

Post Comment