Faallo: Xiisadda Khaliijka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya!


London (Kasmo), Qaar ka mid ah warbaahinta Khaliijka, sida Tv-ga Sky News Arabiya oo fadhigiisu yahay  Abu Dhabi, ayaa buunbuuninaya go’aan lagu sheegay in Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya uu 18kii September 2017, xiriirkii u jaray Dawladda Qadar.

Maamulka Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu noqonayaa Maamulkii 4aad (Somaliland ku jirto) oo tillaabadaas qaada. Waxaa ugu horreeyey Somaliland, oo iyadu xiriir jarid aan ku eekaan, ee xataa ku dhawaaqday in ay hawada ka xirtay diyaaradaha dalka Qadar.

Somaliland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, dhammaantood waxay qaateen go’aan isku mid ah, oo ay uga horjeedaan mowqifkii Dawladda Dhexe ee sheegayey in ayan la kala safanayn dhinacyada is-haya ee Khaliika…

Hase ahaatee, maamul goboleedyadii Soomaaliya waxay ka hoos baxeen xukuumaaddii qaran iyo mowqifkeedii dhexdhexaadnimo. Waxay gees mareen masuuliyadihii uu kala qaybinayey Dastuurku, oo.xilka Arrimaha Dibedda siinayey Dawladda Dhexe.

Maamulka keliya ee aan Qadar xiriirka u goyn, ilaa hadda, waa Maamulka Axmed Maxamed Islaam ee Jubaland, waxaana la filayaa in isna uu safka soo raaci doono. Sidaas darteed, Villa Somalia oo Immaaraadku kala hoos baxay dhammaan maamulladii dalka, waxay muujinaysaa awoodda Doollarka iyo xaqiiqada “Federaalka” Soomaaliya.

Xukuumadda Dhexe ee Soomaaliya waxay qaadatay mowqif dhexdhexaad ah, arrinta dalal iyagu iska kaa xiga si walba, waxaana la filan karaa in ay arrintooda ku soo dhammaan doonto heshiis, waxaana la sii arki karaa in ay xukman tahay oo keliya in la arko “Cawrada Soomaalida Federaalka ah!”

Xaalad middaan u eg ayaa Xukuumaddii hore, 6dii Janaayo 2016kii,xiriirkii ugu jartay dalka iraan, laakiin waxaa soo baxaya astaamo muujinaya in Sacuudiga iyo Iiraan soo ceshan doonaan xiriirkoodii Diblomaasi dhowaan. Markaas, Soomaalida waxaa la soo gudboonaan doonta jac diblomaasiyadeed, oo taariikhi ah..

Nasiib-darradaas mid aan ka dhicin ayaa Soomaalida halkan uga soo fool leh. Waa tan koowaade, waxaa la is weydiin karaa cidda Soomaaliya ku ciqaabaysa madaxbannaanideeda qarameed, kana faa’ideysanaysa xaaladdeeda nugul.

Waa tan labaade, muxuu noqon doonaa masiirka Soomaaliya oo Federaal ah, haddii dhaqanka federaalkeedu yahay fowdo aan xudduud iyo damiir lahayn!?

Qoraal uu diyaarshay Prof Axmad Ashkir Bootaan mar laga joogo 20 sano, wuxuu cinwaankiisu ahaa “Federaalka Soomaaliya: Maamul Goboleedyo mise Moorooyin Beeleed?

Noocaas Federaal, jawaabtu hadda waa caddahay, waana iyaga xiriirka u jaraya Qadar!

Wargeyska Kasmo

 

 

Post Comment