Faallo: Xasanow “Dekareeto!”


2Ololaha dadka u sharraxan Aqallada Hoose, Sare iyo Madaxtooyada waa badan yihiin. Xafladaha iyo magacyada dadka sugaya in doorasho dhacayso, weli waa soo kordhayaan. Laakiin aaway doorashadii?

Hadda, waxaa la soo gaarey aakhirkii bisha July, iyadoo la iska doonayo Baarlamaan cusub iyo Aqalkii Sare, ka hor 19ka Aqoosto 2016, iyo Madaxweyne uu doorto Baarlamaanka, maalinta 10ka Sebtembar!!

Madaxweyne Xasan Sheekh waa in uu xilka wareejiyo, bannaayo Madaxtooyada, 10ka Sebtembar. Sidaas oo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirradu waxay la baxayaan Madaxweynaha xilka banneeyey.

Ammuurta noocaan ahi maaha mid la baajin karo, waxayna noqonaysaa Dastuurka oo la kufsaday, haddii hal maalin ay xafiiska sii joogaan Madaxweynaha iyo Xukuumadda ku guuldarreystay:-

Markii 1aad: in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod (One man One Vote 2016).

Markii 2aad: ku guudarreystay, xataa in doorasho dadbani ku qabsoonto waqtigeedii.

Muuqaalka noocaas ah waa mid aan la baajin karin, waxaana Soomaaliya ku soo fool leh qalalaase siyaasadeed iyo mid Dastuur. Waxaase sii jiraya Baarlamaanka, oo Dastuurka wax beddelay, kuna daray qodob awood u siinaya in ay sii  jiri karaan ilaa Baarlamaan kale.

Hase ahaate, Madaxweyne Xasan Sheekh yuu isagu xilka ku wareeejin doonaa, haddii uusan Dekareeto ku soo saarayn in uu Madaxweyne sii ahaanayo ilaa mid kale?!!

Kasmo Online

Post Comment