Faallo: Xasan Sheekh iyo “Waxaan ahay Musharrax!”


Xasan-Sheekh-OloleWaa run, halkaan oo kale ayey ku banaan tahay in la adeegsado, la kaashado maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa: “Wixii nin xil moodaa, nin xarago moodaa!”

Halkan erayga “xil” ee maahmaahda ku jira wuxuu la mid yahay “Ceeb”. Markaas, ceebtaas ama fool xumadaas ayaa qof xarago iyo qurux moodaa!!

Wargeyska Kasmo in uu u yeerto maahmaahdaas waxa ku xambaaray, waa Madaxweyne Xasan oo mar kale ummadda dhegaheeda maqashiiyey in uu “Musharrax Madaxweyne” yahay.

Waa la yaab iyo wax aan maanka geli karin in Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu muddo kale xilka ku soo noqdo. Marka uu sidaas doonayo, shaki kuma jiro in uu dhayalsanayo caqliga dadka Soomaaliyeed. Taas oo ah in uusan waxba u reeban dadka Soomaaliyeed ee uu qodaxda ku sii fogeeyey, afartii sano ee hore.

Markaas, in uu maanta Musharrax yahay waxay la mid tahay isagoo Soomaalida la hadlaya, una sheegaya: waxaad geydaan wax kasta oo xumaan ah. Waxaad geydaan in uu idiin taliyo tuug. Waxaad geydaan in uu idin hoggaamiyo been-low. Waxaad geydaan in dhagar-qabe iyo koox diimeed idin qafaashaan.

Waxaad geydaan, ugu dambeysta, qof afartii sano oo hore aan wax qaban, in aad afar kale ugu dartaan. Waxaad geydaan.. waxaad geydaan….

Hubaal, Soomaaliya haddii nidaam, sharci iyo isla xisaabtan jiri lahaa, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu iska dhex heli lahaa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, ama kan Mandheera.

Wuxuu u xirmi lahaa Musuqmaasuq. Wuxuu u xirmi lahaa in uu awooddii Qaranka kooxeeyey. Wuxuu u xirmi lahaa xil-gudasho la’aan iyo ku xad-gudubka shuruucda dalka.

Isagoo intaas oo dhammi ku maqan tahay, Xasan Sheekh wuxuu u gefay dadka Soomaaliyeed iyo caqligooda, markii uu yiri: “Waxaan ahay Musharrax Madaxweyne!”.

Wargeyska Kasmo

Post Comment