Faallo: Maalmaha haray iyo “Halista Maan-doorsanka” Xasan


Xasan-Sheekh-OloleMadaxweyne Xasan Sheekh, sida isagu ku dhawaaqay, waa Musharrax doonaya in hoggaanka dalka lagu aamino afar sano oo kale.

Markaas, waxaa hubaal noqonaysa in Madaxweyne Xasan jeclaan lahaa in aan wax la iska weydiin afartii sanoo hore! Laakiin taasi suurtogal ma aha. Waayo, afartaas sano wuxuu maamulay masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Xaqiiqada ah in uu maamulayey wax dadka oo dhan u dhexeeya iyo in uu mar kale musharrax Madaxweyne yahay, Xasan waxay ka dhigaysaa qof meel ciriiryoon ku jira.

Goobtaas ciriiryoon – baahi xukunka oo lagu soo noqdo iyo foolxumada gaamurtay ee 4tii sanoo hore “Waxqabad la’aan, Musuq iyo Anshax xumo dawladeed oo karkaarka goosatay!”.

Arrimahaasi waxay ka dhigaan nin dhibtoon, lana dhibtoon wax isagu gacantiisa ku keensaday. Waayo:-

Waa tan 1aade; isaga ayaa soo doontay in uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya. Weliba lacag ku bixiyey imaanshaha Madaxtinnimada.

Waa tan 2aade; fursadda uu helay, xilkii lagu aaminay, ballantii uu qaaday iyo hankii ummadda, wuxuu u adeejiyey jid kale. Kaas oo hadda guuldarro ugu soo dhammaanaya.

Waa tan 3aade; Nasiib-daradiisa, Xasan mar kale ayuu doonayaa in uu ku soo noqdo xukunka.

Hase ahaatee, waqtigu waa mid si xawli ah u socda, Xasan Sheekhna, xilliga iyo dadkaba wuxuu u arkaa kuwo ka dhan ah, nacab ah. Wuxuu rumeysan yahay in uu waxbadan Soomaali u taray. Waxay la tahay in uu dalka guulo waaweyn gaarsiiyey.

Weliba wuxuu qabaa in ay niyad-xumo iyo cadawtooyo tahay in waxqabad xumo iyo musuq lagu dhaliilo hoggaankiisa!!

Maan-doorsoonku wuxuu gaarsiisan yahay heer halis ah. Waxaaba laga dhex arki karaa markii uu dhowaan dekareeto ku soo saaray Guddi Doorasho, oo ugu yaraan 5 Golihiisa Wasiiradu xubno ka yihiin!

Maskaxda sidaas wax u arkaysa, waxaa ka suurooba wax halis ah, waana in  feejignaan laga qabo; weliba Musharraxiinta Madaxweyne iyo waxgalka kaleba.

Feejignaanta labaad waa in uusan Xasan Sheekh “Mar kale” Madaxweyne u noqon Soomaaliya!

Akhri Faallooyin la xiriira:

1-.http://kasmonewspaper.com/faallo-maantii-xasan-sheekh-ku-xuubsiibtay-xildhibaanada/

2-http://kasmonewspaper.com/faallo-weydii-xasan-sheekh/

:3-//kasmonewspaper.com/faallo-xilli-xun-iyo-hoggaan-xun/

4-madaxweyne-ay-haddii-rajo-kaa-hayso-dadka-iyo-dalka-somalia-please-iscasil/

Wargayska Kasmo

Post Comment