Faallo: Fuud san iyo Lafo san


Shirkii_Madasha_Qaran)Oraah caan ah ayaa ka marqaati furta in Soomaalidu ay been sheegi karto, laakiin ayan been maahmaahin. Waxaa taas loo kaashan karaa maahmaahda; “Hal Booli ahi Nirig Xalaala ma dhasho” ama:-

Lafo san ayaa fuud suuban dhala.

Soomaaliya waxaa laga iclaamiyey in ay ka dhacdo doorasho dadban, inta u dhaxaysa 25ka Sebtembar ilaa 30 Oktoobar 2016. Waxaa go’aankaas soo saaray Madasha Wadatashiga, 9kii Agoosto 2016.

Aqalka Sare, Aqalka Hoose, Guddoonkii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa muddadaas dhexdeeda ay tahay in lagu doorto! Hae ahaatee, waxaa in lala yaabo mudan sida Madasha Wada-tashigu ugu qanacday in xilli sidaas u kooban, haddana shaqo sidaas u culus lagu fulin karo!

Maxay tahay xigmadda ama danta ku jirta in wixii afar sano oo hore lagu soo qaban waayey, 35 casho gudahood lagu qaban kari doono?

Dhinaca kale, waxaa loo bareeray in ay xalaal tahay in Madaxweyne iyo xukuumaddiisu ay jirayaan wixii ka dambeeya 9ka Sebtembar, sharciyad la’aan.

Waxaa sidaas ansixiyey Madasha Wada-tashiga Qaran (Cabdikarim Guuleed, Cabdiweli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Cumar Cabdirashiid, Jawaari iyo Xasan Sheekh). Arag Faallo hore: madal-qaran-mise-mooro-danleey/

Markaas, Madaxweyne iyo Xuukuumaddiis kursiga ku sii fadhiya, go’aan ka soo baxay Madal (Forum) aan iyaduba sharci ku dhisnayn!  Qoonka sidaas ah, doorashada ay hoggaaminayaan, maxaa laga filan karaa?

Wargeyska Kasmo wuxuu qabaa in ‘Hal booli ahi ayan nirig Xalaal ah dhali karin’, sida “Lafo xun ayan fuud suuban u dhali karin!”.

Kasmo Online

 

 

Post Comment