Faallo: Bayaanka Xukuumadda Soomaaliya ee khilaafka dalalka Carabta


London (Kasmo), Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo saartay war qoraal ah oo ku aaddan  xiisadda  siyaasadeed ee ka dhex qaraxday dhowaan dalalka carabta, kuwaas oo tiro ka mid ah xiriirkii Dibolomaasi ugu jareen dalka Qadar.

War-saxaafadeedka  oo laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa lagu muujiyay sida Xukuumadda Soomaaliya uga walaacsantahay khilaafka soo kala dhex galay dalalka walaalaha ah ee Carabta, lsla markaasna diyaar ugu tahay ka qaybgalka sidii loo daweyn lahaa.

Soomaaliya waxay ka tahay xubin Ururka Jaamacadda Carabta oo ay ku soo biirtay sannadkii 1974kii, xilligii xukuumaddii Kacaanka ee uu hoggaaminayay (aun), Jeneral  Maxamed Siyaad Barre.

Ma ahayn go’aan ka soo baxay xukuumad matalaad dadweyne haysata, sida Barlamaan la soo doortay, mana jirin Afti dadweyne oo loo qaaday in xubin laga noqdo ururkaas, waxaana jiray tiro siyaasiyiin ahaa oo  shaki badan ka qabay tillaabadaas.

Waxaa ka mid ahaa (aun), Dr. Maxamed Adan Sheikh oo rumaysnaa in gelitaanka Jaamacadda Carabta u soo jiidi doono Soomaaliya in ay gasho mowqif ciriiri ah marka uu dhasho khilaaf la mid ah midkaan oo kale.

Soomaalida iyo guud ahaan dadyowga carabta waxaa ka dhexeeya xiriir soo-jireen ah oo taariikhi ah kuna qotoma  diin, dhaqan iyo ganacsi, kaas oo heerkii wanaagsanaa oo uu joogay ku habboonaa  in lagu dhowro, sidaasna ku fillayd.

Dalalka Carabta oo caado ahaan waligood khilaafkoodu yahay mid an dhammaan, waxay ahaayeen qaar u siman Soomaaliya, ka hor gelitaankii Jaamacadda, mid walbana gaarkeeda uga hesha wixii ay u baahato, iyada oo qolaba midda kale dhinaceeda ku colaadin.

Laakiin ku-biiritaankii Jaamacadda Carabta wuxuu Soomaaliya ka dhigay qayb in ay ka noqoto khilaafyo silloon oo dhexdooda dhaca, qaarkoodna, inta badan, dano qoys iyo shakhsi ku fadhiyaan.

Dhowaan ayey ahayd markii Maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh xiriirkii Diblomaasi u jaray dalka Iiraan oo (isla maalintaas lacag loogu beddelay),  iyo qoraal loo diray Sweden,  kuwaas oo labaduba xiriir la lahaa khilaaf iyaga iyo  Sacuudiga dhex maray, ee aan lug ku lahayn dhibaato dalalkaasi  u geysteen Soomaaliya.

Maanta, duruufaha gaarka ah ee aynu ku jiro nooma oggolaanayaan in aynu hadba dhexda ka galno qalalaaso siyaasadeed iyo dano iska soo horjeeda oo an si toos ah u taabanayn daneheena istrateejiga ah.

Bayaanka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee  dhexdhexaadka looga noqday qalalaasahaas waa mid sax ah, una danaynaya danaha istratejiga ah iyo madaxbannaanida qarameed ee Soomaaliya.

Waxaase  ka sii fiicnayd in an lagaba hadlin inta laga gaarayo madal ku habboon oo Ajende ahaan arrintaas dalalka ay khusayso laga soo hordhigayo,  markaas oo mowqifkaaga siyaasadeed aad si madaxbannaan u sheegan karto.

Wargeyska Kasmo

 

 

Post Comment