Eritrea: 28 qof oo lagu dilay rabshado xooggan oo ka dhacay Asmara


London (Kasmo), Xoogagga nabadgalyada Eritrea ayaa 28 qof ku dilay caasimadda Asmara, in ka badan 100 qofna ku dhaawacay, mar uu socday dibadbax ay dhigayeen dadka xuquuqda u dooda.

Rabshadaha ayaa aad u kululaa ilaa ay heegan galiyeen safaaraddii Maraykanka oo dadka ka shaqeeya laga wariyay in ay maqleen dhawaqa rasaasta.

Tv-ga Al-Jazeera qaybtiisa afka Ingiriisiga ayaa laga sheegay in rabshaduhu bilowdeen 31kii Oktoober, ka dib markii Xukuumaddu ku soo rogtay mamnuucista indha-shareerka, mid ka mid ah dugsiyada Islaamiga ah.

Rabshadaha ayaa la sheegay in ay u badnaayeen aagga Akhiriya ee caasimadda, halkaas oo uu ku yaallo dugsiga “Diaa Islamic School”. Boqollaal ardayda ah ayaa la sheegay in ay ku soo biireen dibadbaxa, mas’uuliintuna waxay xabsiga u taxaabeen tiro dad ah.

Eritrea waxay madaxbannaanida ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993kii, laakiin dalka oo uu 24 sano ka talinayo Madaxweyne Isiasas Afewerki, ma lahan Dastuur u gaar ah.

Xadgudubyada aadanaha ayaa la sheegay in ay si joogto ah u dhacaan, marar badanna waxaa la wariyaa xarig khasab ah, gaboodfallo maxaabiista ah iyo jirdil, warbaahintuna ma ahan mid madaxbannaan. Bishii Juun 2016kii, Wakiilka Qarammada Midoobay, Sheila B. Keetharuth, waxay sheegtay in xaaladda xuquuda aadanaha dalku sii xumaanayso, dadweynahana loo gaysto xadgudubyo badan.

Xubnaha mucaaradka  waxay la tahay in cabashooyinkii socday maalmihii la soo dhaafay oo ahaa kuwo aan loo baran  fureen albaab weyn oo cusub oo suuragal ka dhigi kara in mustaqbalka, dadku, sidaan oo kale u muujiyaan caradooda.

Kasmo Online

Post Comment