Cabdisaciid Ismaaciil: “Ruuxii Buug Gubaa, Dadna Waa Gubaa!”


Ruuxii Buug Gubaa, Dadna Waa Gubaa!

WQ: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil;

Sida ay ka warhayso bulshada Soomaaliyeed badankeedu, galabnimadii Jamcada ee taariikhdu ahayd 19kii Sibteembar 2014 wadaadka Soomaaliga ah ee lagu magacaabo Maxamed Cabdi Umal, wuxuu xertiisa ku guubaabiyey in ay gubaan buug yar oo cinwaankiisu yahay: “Xadka Riddada: Maxaa ka Run ah?“, isagoo buugga iyo qoraagiisaba ku eedeeyey in ay faafinayaan gaalnimo cad. Arrinkaas oo khasab ka dhigaya in buugga iyo qoraagaba la gubo si aysan jeermiskooda bulshada ugu faafin.

Qoraalku waa udub-dhexaadka ilbaxnimada aadamiga,  waana astaanta lagu garto fekerka iyo xusuustiisa bulshada. Ummadaha adduunkuna siday u kala akhris iyo maktabado badan yihiin bay u kala aqoon iyo ilbaxnimo badan yihiin. Cid kasta oo akhriska iyo qoraalka la dirirtaana waa cid dagaal kula jirta garaadka bulshada iyo horumarkeeda.

Dhaqanka buug gubidduna waa dhaqan soo jireen ah oo muddo dheer dunida laga yaqiin, wuxuuna yimaadaa mar walba oo ay jirto cid rumaysan in aragtideeda oo keli ah ay tahay midda runta ah, isla markaana ay ciddaasi isbidayso inay kuwa kale ka tun-weyn tahay, oo ay muquunin karto. Ujeeddada mar walba laga leeyahay gubidda qoraalladuna waxay tahay in lagu tirtiro fikradaha loo arko soo galootiga, ee ku cusub caqliga bulshada. Run ahaantiina, la yaab ma leh in bulshadu baasaysato fikradaha cusub, waayo caqliga aadamigu mar walba wuxuu la qabsadaa fikradaha hadba tii ku soo horaysa, kuwa ku cusubna wuxuu isku dayaa inuu soo tuuro, oo si fudud caqliga dadku doodda ku cusub uma aqbali karo.

Dhammaan kelitalisyadu waxay rumaysan yihiin awoodda erayga qorani uu leeyahay, waxayna ku qanacsan yihiin in shacabka jaahilka ahi uu ka dhego-nugul yahay kan wax akhriya, sidaa darteedna kelitalisyadu  dhammaan walxaha aadamigu hindisay waxay ugu neceb yihiin buugta oo ah xusuus waaraysa, waxayna ku taamaan in ay xukumi lahaayeen ummad aan akhris aqoon, waxayna faafiyaan farriin oranaysa: “Aabbeheen Aadan markuu jannada joogey ma aqoon akhriska”.

Kelitalisnimadu kama hanaqaadi karto meel ay ka jiraan maktabado ay yaallaan qoraallo badan iyo afkaar kala duwan oo si madaxbannaan u loolamaysa. Taa awgeedna kelitalisku wuxuu isku hawlaa in la helo hal buug iyo hal nooc oo akhris ah, oo dabcan ah kan ka tarjumaya danta iyo ammaanta kelitaliyaha.

Akhrisku wuxuu horseedaa in lagu fekero wixii la akhriyey, dabadeedna la isku dayo in xarfihii qornaa fal iyo dhaqan loo rogo, taasina waxay keeni kartaa khatar aan kelitalis aqbali karin.  Feylasuufkii  Faransiiska ahaa ee Voltier-na maqaalkiisa cinwaankiisu yahay: “ Khatarta Argagaxa leh ee Akhriska/ Concerning the Horrible Danger of Reading” wuxuu ku yiri: Buugtu  “Waxay kala firdhisaa jahliga,  oo ah waardiyaha ilaalada ka haya dowladaha nidaamka boolisiga ah ku dhisan/ The books .. dissipate ignorance, the custodian and safeguard of well-policed states.”

Sidaa darteedna, si saldanadda looga ilaaliyo wax dhabqin kara, waxaa lagu dadaalaa in waardiye adag laga qabto farriimaha maskaxda dadka u gudbaya, waxaana loo baahdaa in la helo arkhriste weyn oo keligiis awood u leh kala garashada qoraallada wanaagsan iyo kuwa xun. Bulshaduna waxay xaq u leedahay akhrinta qoraallada akhristaha weyn u arko in aysan wax u dhimayn anshaxa iyo maskaxda raciyada wax-ma-garadka  ah ee uu wakiilka ka yahay.

Akhristaha weynina si uu hawshiisa habsami ugu guto wuxuu ku khasban yahay inuu adeegsado  dhammaan xeeladaha looga hortagi  karo faafidda qoraallada sumaysan ee khatarta ku ah maanka iyo anshaxa bulshada. Taa awgeedna, dhammaan kelitalisyadu waa ka siman yihiin dhaqanka ah in la socod iyo dabagal lagu sameeyo farriimaha shacabka u gudbaya, kuwa loo bogi waayana la mamnuuco ama la gubo.

Tusaale ahaan, waxaa la wariyaa in Fircoonkii Masar ee Akhenaton uu gubay qoraalladii diinta ee Masaarida isaga oo ku eedeeyey inay u daran yihiin gabayadiisa. Sannadkii 441C.H. magaalada Athena waxaa lagu gubay buugtii faylasuufkii Protagoras. Sannadkii 213C.H., Imbiradoorkii Shiinaha ahaa ee Qin Shihuang wuxuu amar ku bixiyey in la mamnuuco akhriska, dhammaan waxa qoraallo Imbiraadooriyadda yaalna dabka la qabadsiiyo, sababtuna waxay ahayd Imbiraadoorka oo doonayey in shacabkiisa loo diyaariyo qoraallo ka duulaya xikmadda boqorka. Feylasuufkii Jarmalka ahaa ee Friedrich Hegel oo la sheegay inuu u kuurgalay dhacdadaanna wuxuu sheegay in Imbiradoorka ay la ahayd in sida qura ee uu ku xoojin karo xukunka qoyskiisu ay tahay inuu marka hore xusuusta shacabka ka masaxo taariikhdii qoysaskii xukunka hortiis soo hayn jirey.

Sidoo kale, Imbiraadooriyaddii Romanka ayaa buug badan dabka qabadsiisay.  Tusaale ahaanna imbiraadoorkii Roomanka ee Caligula wuxuu amar ku bixiyey in la gubo dhammaan buugtii ay qoreen Homerus, Vergil iyo aqoon yahanno kale [Nasiib wanaag amarkaas lama fulin]. Sannadkii 303diina Imbiradoorkii  Diocletian wuxuu amray in la gubo dhammaan kutubta diinta Masiixiyadda ka hadla.

Dhanka kale, Masiixiyaddu waxay caan ku tahay maxkamadihii maanka iyo damiirka ee loo yaqiin “Maxkamadihii Baaritaannada ama Fatishaadda”, kuwaas oo sabab u noqday gubidda qoraallo aad u badan. Waxaa kale oo taariikhdu noo sheegaysaa in wadaaddada kaniisaddu ay muddo dheer dadka masiixida ah u diidi jireen in ay yeeshaan nuqul  Injiilka ka mid ah oo iyaga u gaar ah, iyo sidoo kale in Injiilka loogu tarjumo afafkooda hooyo. Arrinkuna wuxuu la mid ahaa sida maanta wadaaddo badan oo Soomaaliyeed aysan u oggolayn in dadka afkooda diinta loogu gudbiyo.

Dhawr sano ka horna kaniisad ku taal New Mexico waxay gubtey boqollaal nuqul oo ka mid ah riwaayadda “Harry Potter”, oo ay ku eedaysay in carruurtu sixir iyo shaydaannimo ka baranayaan. Si taa la mid ah wadaadka Maraykanka ah ee Terry Jones wuxuu nidar ku galay inuu sannad walba gubo nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka.

Yeelkadeede, dhacdooyinka caanka ah ee buug gubidda la xiriira waxaa ka mid ah dhacdadii 10kii May ee sannadkii 1933kii ka dhacday magaalada Berlin oo maalintaas lagu gubay in ka badan 20,000 oo buug iyada oo ay daawanayeen in ka badan 100,000 oo ruux, kameerayaalna sawirro looga qaadayo. Hawlgalkaas oo muddo badan socday, magaalooyin badan oo dalka Jarmalka ahna laga fuliyey, waxaa u ololeynayey Naasidii Jarmalka oo uu hormuud u ahaa Wasiirkii Dacaayadda Joseph Goebbels, waxaana loogu magacdaray “Tilloobooyin ka dhan ah ruuxda aan Jarmalka ahay/Actionagainst the Un-German Spirit”, waxaana lagu beegsaday buugtii ay qoreen qoraayaashii lagu tuhmayey in aysan Jarmal ahayn oo loola jeeday qoraayaasha lagu tuhmay in aysan la dhacsanayn afkaarta Naasiga ee nacaybka iyo midab takoorka ku dhisan. Dhacdadaas oo joornaalka Newsweek uu ugu yeeray: “Xasuuqii buugta/A holocaust of books”, qoraayaashii buugtooda la gubeyna waxaa ka mid ahaa; Sigmund Freud, Albert Einstein, Walter Benjamin,  Thomas Mann, Karl Marx, Heinrich Heine, Ernest Hemingway, Helen Keller, Jack London, Margaret Sanger iyo qaar kale.

Gabyaagii  qoraagana ahaa ee Heinrich Heine (1797-1856) oo ka mid ah dadkii qoraalladooda la gubeyna waxaa laga hayaa oraahda caanka ah ee aan maqaalka cinwaankiisa ka soo ammaahday ee oranaysa “Halkii buug lagu gubo, dadkana waa lagu gubaa!!”.

Dalka Jarmalkana sannadkii 2006dii waxaa laga bilaabay hirgelinta maktabad u gaar ah buugta la gubey [=Library of burned books], si buugtaasi aysan xusuusta aadanaha uga bixin, waayo xusuustu waa nolol.

Haddaan u nimaanno dunida Islaamka waxaan ogaanaynaa in dhaqanka gubiddu buugtu uu ka bilowday waqti aad u fog, boqorradii Muslimiinta ee magaca khaliifka huwanaana taniyo muddo dheer ay buug gubayeen. Tusaale ahaan,aqoonyahannada wax ka qoray cilmiga maktabadaha qaarkood waxay xuseen in taniyo qarnigii 8-aad ee miilaadiga ay dunida Islaamka ku dayacmeen qoraallo tiradoodu gaari karto toban malyan oo buug (Tusaale ahaan eeg maqaalka Mansuur Maxamed Sarxaan ee lagu faafiyey Joornaalka Al-Wasat ee ka soo baxa Baxreyn, tirsiga 3596 ee soo baxay Maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 12kii Juun 2012).

Qoraaga Sacuudiga ah ee Naasir al-Xuseymi oo mawduucaan ka qoray buug uu cinwaan uga dhigay “Gubidda Buugta ee Dhaqanka Carbeed/ Xarqi al-Kutub Fii al-Turaath al-Carabi”, wuxuu ku dooday in sababta keentay in si ba’an buugta loogu gubo dunida Islaamka ay u noqonayso in Carabtii casrigii jaahiliyada ee Islaamka ka horreeyey ay ahaayeen bulsho aan aqoon akhriska, sidaa darteedna ku tiirsan xusuusta iyo in dusha wax laga qaybo, taasina ay ku abuurtay inay si weyn u qaddariyaan dadka xifdiga badan, isla markaana ay liidaan dhaqanka akhriska.

Markii Islaamku yimidna waxaa la helay axaadiis badan oo nebigu saxaabada uga reebayo in ay ka qoraan waxaan quraanka kariimka ka ahayn. Arrinkaasna Carabtii markii horeba qoraalka necbayd waxay u fasireen in xifdiga iyo dusha ka qaybiddu ay ka wanaagsan yihiin qoraalka. Fikraddaasna waxaa sii xoojiyey ammaanta badan ee culumada cilmiga xadiisku ay huwiyeen culumada xifdiga badan.

Dunida Islaamkana waxaa marar badan dhacday in la gubay maktabado waaweyn oo dadweynaha loogu talo galay, ayna yaalleen kumanyaal iyo malaayiin buug ahi. Maktabadahaasna waxaa ka mid ah: Daar al-Xikma oo ku tiil magaalada Baqdaad, laguna tilmaamay in ay ahayd maktabaddii ugu weyneyd ee dunida Islaamka laga hirgeliyey , Daar al-Culuum oo ku tiil magaalada Qaahira iyo qaar kale oo badan. Qaababka buugta looga takhaluso ee dunida Islaamka caanka ka ahaana waxaa ka mid dhaqidda, duugidda iyo jeexjeexidda, oo waxaa jira aqoonyahanno aad u tiro badan oo muslimiin ah oo buugtoodii la wariyey in la dhaqay ama la duugey ama la jeexjeexay.

Buugta ugu badan ee dunida Islaamka lagu gubeyna waxay ahaayeen kuwa falsafadda, sayniska iyo khilaafaadka madaahibta laga qoray. Denbiga ugu weyn ee ay eersadeenna waxay ahayd in lagu eedeeyey gaalnimo, tilmaantaas oo ahayd mid lagu shaabbadeeyo cid kasta oo loo arko in aysan ku tasbiixsan ammaanta boqorrada ama aysan u nuglayn doodda fuqahada boqorrada ka ag-dhaw. Naasir Al-Xuseymi-na buuggiisa aan kor ku soo xusnay wuxuu ku yiri: Waxaan hubaa in uusan jirin aqoonyahan ama gabyaa oggolaaday in la gubo buugtiisa isaga oo aan ka baqayn in lagu ciqaabo karbaash lala dhaco ama seef madax looga gooyo iyadoo lagu eedaynayo inuu diinta ka baxay.

Sheekooyinka la yaabka leh ee dunida Carabta ka dhacayna waxaa ka mid ah qisadii sannadkii 1985 dalka Masar maxkamadda lagu saaray buugga “Kun Habeen Iyo Habeen” iyada oo lagu eedeeyey inuu yahay buug anshaxa bulshada wax u dhimaya, laguna amray in buuggaas la gubo, ciddii lagu arkana la ciqaabo. Sababta la yaabka keentayna waxay tahay in buuggaasi muddo dheer laga yaqiin dunida Carabta iyo guud ahaan Bariga Dhexe, balse uu noqday mid dunida oo dhan gaara, oo gaaray heer uu astaan u noqdo dunida bari oo dhan, oo tusaale ahaan in badan oo reer galbeedka ahi muddo dheer marka ay maqlaan erayga Reer Bari waxaa durba xusuustooda ku soo degdega cinwaanka buuggaas ee “Kun Habeen Iyo Habeen” waxayna sawirtaan duni cajaa’ibkeeda la jeclaysto, laguna taamo in mar qura la dhex istaago.

Dunida Islaamkana mar walba waxaa laga hadlaa buug la sheego in gumeystayaashii reer Yurub ay bililaqaysteen, laakiin waxaa la iska indho tiraa in buugta la sheegayo in Yurub bililaqaysatay in badankeeda maanta aadamiga oo idil ka faa’iideysto, laakiin kuwii muslimiintu hayeen badankoodii ay kharbudaad iyo noocyo kale oo dayac ah darteed ay la dhumeen, oo gaalo iyo muslin toona aysan ka faa’iideysan.

Falalka buug gubidda ee xanuunka badan ee dhawaan ka dhacay dunida Islaamkana waxaa ka mid ah falkii bishii January 2013 ka dhacay magaalada Timbukto ee dalka Maali, halkaas oo wadaaddo xag-jir ahi ay ku gubeen buugag badan oo far-guri ah oo qaarkood taariikhdoodu u noqonayso 1200 oo sano. Magaalada Timbukto-na waxay tan iyo taariikh fog caan ku ahayd qoridda iyo aruurinta taariikhda Afrikada Madow ee Lama-degaanka Ka Hoosaysa. Qoraalladaas intooda badanna waxaa qoray aqoonyahanno muslimiin ah oo qaaradda u dhashay. Waxaana la rumaysan yahay in qoraalladaas far-guri ah aan badankooda dib loo arkayn sababta oo ah waxaa la qiyaasayaa in aysan jirin cid haysa nuqullo kale oo makhduudaadkaas ah.

Sida la wada ogyahayna sannadkii 2001dii ururka Daalibaan ee dalka Afganistaan waxay burburiyaan taalladii Buuda iyo dhismayaal kale oo la sheegay in taariikhdoodu u noqonayso 3 kun oo sano. Dalka Masarna wadaaddo ayaa waxay ku baaqeen in la dumiyo taallada Abuu Hoowl. Dalal badan oo Islaam ahna- sida Soomaaliya iyo Liibiya- waxaa la burburiyey qubuuro ay lahaayeen wadaaddo suufiyo ahi.

Dhanka kale, bishii May ee sannadkii 2012kii dalka Muritaaniya urur u ololeeya sinnaanta dadka dalkaas ku nool ayaa waxay gubeen buug laga qoray fiqiga mad-habta Maalikiyadda ee deegaannadaas laga haysto, iyaga oo ku dooday in kutubtaasi ay dhiirigeliso dhaqanka addoonsiga. Sidoo kale, dhawaan Khaliifka ururka Daacish ama ISIL ee dalka Ciraaq Abuu Bakar al-Baqdaadi wuxuu amar ku bixiyey in la gubo kutubta Suufiyada siiba kuwa Muxyidiin bin Carabi, sidoo kalena wuxuu mamnuucay akhriska iyo barashada falsafadda.

Waxaana xusid mudan in ay jiraan qoraayaal Carbeed oo aad u badan oo aan buugtooda laga heli karin meelo badan oo dunida Carabta ka mid ah, mamnuucid la saaray aawadeed. Xaaladdaas oo ay ku rumoobayso maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd  “Kitaab gurigiisii loo diidey sayax Allaa baday”. Faqiihii Sufyaan al-Tawri oo qudhiisa buugtiisii la duugey, xog-ogaal weynna u ahaa xaaladdii dunida Islaamka ka taagneyd,- welina ka taagan- waxaa laga wariyaa inuu yiri: “ Ruuxii aqoon kororsadaa xanuun buu kororsadaa, haddii aanan ogaan lahaynna murugadaydu waa yaraan lahayd.”

Isku soo duuboo, qoraagii Jarmalka ahaa ee John Wolfgang von Goethe kolkii uu magaalada Frankfurt ku daawaday buug la gubayey, wuxuu u jariiracooday sidii inuu daawanayo dad la gubayo, wuxuuna yiri: “Daawashada walax aan noolayn oo la gubayo, iyada qudheeda ayaa ah fal argagax leh.” Taasoo jirta, haddana waxaa muuqata in qarniga 21-aad Umal iyo inta ku aragtida ahi ay weli u hamuun qabaan ku cuudsiga qoraallada iyo qorayaashooda. Laakiin waa in ay ogaadaan in aysan taariikhda waxba ka baran haddiiba ay rumaysan yihiin in ay afkraata gubid ku dili karaan.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Post Comment