Burundi: Qarammada Midoobay oo ku eedeysay dunuub Aadanaha ka dhan ah


London (Kasmo), Qarammada Midoobay ayaa ku eedeeysay dalka Burundi in uu galay dunuub ka soo horjeedda Aadanaha, waxayna ka codsatay Maxkamadda Caalamiga ah in si dhakhso ah loo furo gal-dacwadeed.

Guddi ka kooban 3 dambi-baare oo laga soo xulay Laanta “Human Rights Council” ayaa bishii hore ee September ogaaday in Dowladda Burundi geysatay gaboodfallo isugu jira silcin, kufsi iyo dilal, isla markaasna wali socdaan.

Guddoomiyaha Guddigaas, Fatsah Ouguergouz oo u dhashay Aljeriya ayaa warfidiyeennada u sheegay in falalkaas cidda lagula kacay yihiin rayidka, loona qaadan karo qayb ka mid ah siyaasadda gudaha dalka.

Guddigu wuxuu caddeeyay in tirada guud ee xadgudubyada mas’uuliinta Burundi sameeyeen adagtahay in si sugan loo xisaabiyo.

Burundi oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika waxaa ka taagan xasilloonidarro siyaasadeed oo soo bilaabatay 2015kii ka dib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo talada haya ilaa 2005tii, uu damcay in uu mar 3aad isu soo taago xilka.

Kasmo Online

 

Post Comment