Brexit: Britain oo qaadday tillaabadii 1aad ee looga bixi lahaa Midowga Yurub


London (Kasmo), Britain ayaa qaadday tillaabadii 1aad ee geedisocodka looga baxayo Midowga Yurub, iyada oo Barlamaanku xalay saqdii dhexe u codeeyay Hindise-sharciyeed soo afjaraya xeerarkii Yurub, marka si buuxda looga baxo Midowga.

Mashruuca ” EU Withdrawal Bill” ayaa ku gudbay 329 oggolaatay iyo 290 diidday, waxaana suuragaliyay taageerada Isbahaysiga Consrvative-ka iyo Xisbiga DUP ee Ireland-ta Woqooyi iyo 7 xildhibaannada “Labour-ka oo jabiyay dhaqankii xisbiga.

R/Wasaare Theresa May ayaa ku tilmaantay go’aanka Barlamaanka mid taatriikhi ah isla markasna horseedaya in ka bixitaanka Midowga Yurub loo wajaho si kalsooni leh.

Hindisuhu wuxuu baabi’inayaa sharcigii “Eupropean Community” ee 1972kii Britain uga mid noqotay Barwaaqa-soorankii Yurub, isla markaasna malaayiin xeerarkii Yurub ah u rogayaa British.

Taas oo sahli doonta in aanu soo bixin duleel maran oo dhanka qawaaniinta ah marka la gaaro 29ka March 2019, xilligaas oo  Britain si buuxda uga baxi doonto Midowga Yurub.

Kasmo Online

Post Comment