Brexit: Barlamaanka Yurub oo ka biyadiidsan qaabka wadaxaajoodku u socdo


London (Kasmo), Barlamaanka Yurub ayaa  ka hor yimid qaabka ay u socdaan wadahadallada Britain uga baxayso Midowga Yurub, waxayna ka soo saareen Qaraar si aqlabiyad ah lagu ansixiyay.

Mooshinka oo looga codeeyay kulankii shalay, 3dii Oktoobar,  ka dhacay xaruntiisa Strasbourg waxaa oggolaatay 557 xildhibaan, waxaa diiday 92, waxaana ka aamusatay 29.

Mowqifkaas cad ee Barlamaanku qaatay waxaa madaxda Dowladaha looga codsanayaa in ay dib u dhigaan qiimaynta arrimaha wajiga 2aad ee wadahadallada ee ku saabsan xiriirka 2da geesood ee mustaqbalka.

Xildhibaannada Yurub ayaa qaba in aan wareeggii 4aad looga gaarin wax horumar ah arrimaha muwaadiniinta, Ireland iyo Ireland-ta Woqooyi iyo waliba deymaha lagu leeyahay Britain.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan wadaxaajoodka, Michel Barnier, ayaa qiraya in ay wali jiraan khilaafyo culus oo ku hareereysan arrimahaas iyo kuwo kale oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Britain, waxaana dhiniciisa  ku raacsan Madaxweynaha Guddiga Yurub, Jean-Claude Juncker.

Haddii wareegga 5aad oo dhici doona toddobaadka dambe is beddel la taaban karo dhicin, Golaha Midowga Yurub wuxuu kulankiisa dhici doona 19-20ka Oktobar go’aamin doona in dib loo dhigo wadaxaajoodka.

Qiimaynta Xildhibaannada Yurub qayb rasmi ah kama aha wadaxaajoodyada Brexit, laakiin waxay sahlaysaa dariiqii heshiiska, oo marka dambe iyagu yihiin kuwa ansixin doona.

Kasmo Online

 

 

 

Post Comment