Bariga Dhexe: Maraykanka oo Ismaciil Haniyeh ku daray liiska argagixisada


London (Kasmo), Maamulka Trump ee Maraykanka ayaa hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismaciil Haniyeh, ku daray liiska argagixisada, sidaasna waxaa lagu caddeeyay war laga baahiyay maanta Waaxda ‘State Department’ ee Arrimaha Dibadda.

Tillaabada Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisad kulul oo ku saabsan xaaladda Qudus ka aloosantahay Maamulka Trump iyo mas’uuliinta reer Falastiin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku tilmaamay in ‘Haniyeh ku yahay halis xasilloonida Bariga Dhexe’ iyo ‘Geedisocodka nabadda Israel’.

Xamaas waxaa laga soo bilaabo 1997kii Maraykanka ay ugu jirtaa liiska Ururrada Shisheeyaha ee argagixisada ah, go’aankan cusubna wuxuu ku soo beegmayaa xilli Xamas, oo in ka badan 10 sano ka talisa Gaza, la gashay Fatax Heshiis dib u heshiisiin ah.

Labada garab, Xamaas iyo Fatax, waxay isku mowqif ka taaganyihiin diidmada dhexdhexaadin kasta oo Maraykanku ka sameeyo geedisocodka nabadda Bariga Dhexe.

Kasmo Online

Post Comment