Banaanbax Rabshado Wata oo ka Dhacay Muqdisho


Boqolaal qof ayaa maanta banaanbaxyo rabshada wata oo ay kula wareegeen mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Amisom ka sameeyey jidadka magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa u badbaa dhallinyarada ku shaqeysata mootooyinka saddex lugooleyda ah ee loo yaqaan Bajaajta.

Dhallinyaradan ayaa ka cabanaya canshuur laga qaado iyo falal ay kula kacaan ciidamada xilli ay dhibaato ku qabaan waqooyinka magaalada ee xirxiran.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo Muqdisho ku sugan ayaan ka wareysanay arrintan.

https://av.voanews.com/clips/VSO/2017/08/07.mp3?download

Xigasho: VOA Somali

Post Comment