Alan Henning oo British ah ayaa Daacish gawracday


Dalkan UK iyo dunida meelo badan oo ka mid ah waxaa si ballaaran looga cambaareeyey falka bahalnimada ah oo Kooxda IS (Islamic State),  Daacish ay ku dileen nin u dhashay Britain oo lagu magacaabo Alan Henning. Kaas oo iyagoo gawracaya ay Video-gii falkooda muujinaya soo geleyeen baraha Internet-ka.

Alan Henning wuxuu ahaa 47 sano jir, waxaana 27kii December 2013 lagu af-duubtay gudaha dalka Suuriya, halkaas oo hawlo gargaar, kolonyo gaadiid gurmad samafal waday uu la socday.

Alan Henning wuxuu noqonayaa qofkii 4aad oo u dhashay dalalka reer galbeedka oo muddo toddobaadyo ah, Khilaafada Islaamku ay fal gawrac ah ku fuliso. Waxaa ku jiray laba weriye oo u dhashay Mareykanka, iyo David Haines oo u dhashay Britain oo isna ka shaqayn jiray howlaha gargaarka.

Kasmo Online

Post Comment