Israel-India, Duullimaadkii u horreeyay oo hawada Sacuudiga soo maray


London (Kasmo), Waa markii u horreysay taariikhda oo diyaarad ku socota Israel soo dul marto Sacuudi Carabiya, Ilaa hadda Riyadh waxay hawadeeda ka mamnuuci jirtay duullimaadyada sida tooska ah ugu socda dalka Israel.

Oggolaanshaha maanta waa astaan muujinaysa dabacsanaan dhanka siyaasadda ah, markii diyaaradda Air India, nooca Boeing 787 Dreamliner oo ka soo kacday New Delhi soo fariisatay maalintii Khamiista, 22kii March, garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv, iyada oo soo dul martay hawada Sacuudiga.

Khadkaan cusub wuxuu wakhtiga duullimaadka soo gaabinayaa qiyaastii 2 saacadood, waayoo markii hore diyaaraduhu waxay gali jireen wareeg dheer oo badda Cas dusheeda ah.

Duullimaadkii shalay oo ah midkii u horreeyay oo Air India toos ugu xira Israel wuxuu toddobaadkiiba dhacayaa 3 jeer, waana astaan muujinaysa isku soo dhowaanshaha 2da dal oo ka dhalatay booqashooyinkii ay is weydaarsadeen 2da Ra’iisal Wasaare, sannadkii 2017.

Xitaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Israel ayaa isa soo taraya, walow 2da dal ayan lahayn xiriir dibolomaasi oo rasmi ah, laakiin isbahaysigooda lidka Iraan ayaa gaarsiinaya in ay ka gudbaan jidgooyooyinkii u dambeeyay.

Kasmo Online

Post Comment