Abwaan Cabdi-dhuux iyo heesta Dowladnimo


Abwaan Cabdi-dhuux YuusufMaalmahan waxaa magaalada London ku sugan  Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre) ee dalka Soomaaliya, Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf.

Abwaan Cabdi-dhuux oo ah hal-abuure ka tirsanaa Hooballadii Waaberi, wuxuu leeyahay maansooyin uu uga hadlayo qarannimada iyo dawladnimada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah hees aan miraheeda halkan ku soo qaadaney; waa heesta ‘Dawladnimo’, waxaana Abwaanku ku leeyahay:

Dowladnimo ehel bey rabtaa, Aqoonyahan bey rabtaa

Aqoon u leh bey rabtaa, Amniyo nabad bey rabtaa

Go’aan aayaley rabtaa, Awaamir saxay rabtaa

Awood fulisey rabtaa, Illaalo fog bey rabtaa

Ogaal hoosey rabtaa, Irmaan dararey rabtaa

Ururi dakhligey rabtaa, Aqool wacan bey rabtaa

Adeega hufan bey rabtaa, Abaabul bulshey rabtaa

Dadkoo oggol bey rabtaa, Aftahan geesiyey rabtaa

Abbaara xaqey rabtaa, Dawee u tuntey rabtaa

Aglool qalbigey rabtaa, In leys aaminey rabtaa

Dhig iyo udub bey rabtaa, Haddey anna weykan tahay

Mudnaanta anaa leh tahay, Awood iyo tahay qabiil

Waa eber eber lagu dhuftee, Allow sahal xaalkayaga

Awoweyaashii hore waxay oran jireen

‘Xoolo ugub ka gado’ ama Curad innaba aan lagu ogeyn

‘Iin iyo xumaan’.

(Waxaa lagu daabacay Wargeyska Kasmo, 12kii Nofembar 2015).

Waxaa isku duway Khaalid Macow C/qaadir

Post Comment