Doorashadii 6dii May oo xaalad cusub gelisay dalka UK
Xisbiyadii tartamay oo kala guuleystay iyo Baarlamaankii oo waayey cid heshay 'Aqlabiyad' doorashadii 6dii May 2010
London (UK); Doorashadii guud ee 6dii May 2010 dalkan UK ka dhacday ayaa codadkii mudanayaasha oo dhan lagu dhawaaqay, oo la baahiyey natiijadii. Waxaana soo baxay in Xisbiga Shaqaalaha ee Ra''iisal Wasaare Gordon Brown oo 13kii sano ee ugu dambeeyey dalka Aqlabiyad weyn ku xukumayey, uu lumiyey kuraas badan oo Xisbigu hore u haystay. Waxaa guul doorashada ka soo hooyey Xisbiga Muxaadfidka oo kuraas badan oo gaaraysa 306-kursi helay, laakiin hoos uga dhacay in uu helo aqlabiyad kuraas ku filan in uu Xukuumad dhiso, waxaana aqlabiyad noqon lahayd haddii uu helo tiro Xildhibaano oo dhan 326-mudane. Xisbiga seddexaad ee la filayey in doorashada kororsiimo Xidhidbaanno helo, ayaaba isagu lumiyey qaar uu hore u haystay!. Markaas, waxaa dalku ku sugan yahay, in uusan jirin Xisbi Aqlabiyad haysta oo soo dhisa Xukuumad, waxaana xaaladdan lagu magacaabaa 'Hung parliament' oo la mid ah: ma jiro Xisbi helay aqlabiyad uu XUKUUMAD ku soo dhiso, oo hoggaanka dalka qabto. Sidaas darteed, waxa soo kordhi doona lama yaqaan, waxaana socda wada hadallo Axsaabta dhexdooda ka jirta, Xisbiyada qaarkood ka arrinsanayaan haddii laba iyo wax ka badan, inta iskaashadaan, ay markaas dawlad soo dhisi karaan, iyagoo tanaasul sameynaya. Ra'iisal Wasaare Gordon Brown, war uu doorashada ka dib soo saaray wuxuu ku sheegay: "Bal in ay isku dayaan Xisbiga Muxaafidka iyo kan Liberaalku in ay isla fiiriyaan haddii ay wada dhisi karaan Xukuumad. Haddiise ay ku fashilaan, Xisbigaygu wuxuu diyaar u yahay in uu wada hadal la galo Liberaalka, arrimo muhiim ahna isla gaaraan, dawladna wada dhisaan." Dunida oo dhan isha ayaa lagu hayaa isbeddel ku yimaada hoggaaminta dalka UK, halka looga dhaqaaqo halka ay taagan tahay hadda. Waxay kala caddaan doonta maalmaha soo fool leh. Kasmo Online, London
| |||||




