Ciidanka Cirka ee Yemen oo duqeeyay Xoogagga Al-Qaacida
Ciidanka Cirka ee Yemen ayaa duqeeyay Fariisimo ay Al-Qaacidah ku lahaayeen Gobolka Abyan.
wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in Ciidanka Cirka ee dalkaas ay duqeeyeen fariisimo ay Xoogagga Al-Qaacidah ku lahaayeen Gobolka Abyan iyo meelo kale.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay Ciidanka Cirku ugu yaraan 3 jeer Isniintii duqeeyeen goobo ku yaalla Abyan oo badanaa la sheego inay ku dhuumaalaysanayaan Kooxo ka tirsan Al-Qaacidah.
Weerar kaas la mid ah oo ay Ciidanku qaadeen Axaddii ayaa la sheegayaa in lagu dilay laba xubnood oo muhim ah,laguna raad-joogay oo ka tirsan Ururka Xag-jirka ah ee Al-Qaacidah.
Hoggaamiye Al-Qaacidah ka tirsan oo lagu magacaabo Jamiil Naasir ayaa la sheegayaa in uu ka mid yahay dadka lagu dilay duqayntaas.
Duqayno noocaas oo kale ah oo ay dad ku dhinteen ayaa Disembartii hore ka dhacday goobahaas, hase ahaatee, Xukuumadda Yemen waxay tibaaxday inay aad uga xun tahay rayidka ku waxyeelloobay duqaynnadaas.
Xukuumadda Yemen ayaa waayadan dambe waxaa dhibaato kaga furan dhinacyo badan sida :Fallaagada Gobolka Sacda ee Shiicada, Xoogagga Kacdoonka dib u goosadka ah ka wada xagga Koonfurta iyo Canaasir ka tirsan Al-Qaacidah.
Kasmo Online..





