Dagaal xoog leh oo maalintii 2-aad ka soconaya Muqdisho
Dagaalka shalay ilaa maanta waxaa la xaqiijiyay dhimashada 50 qof iyo dhaawac kor u dhaafaya boqol.
Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaas maalintii 2-aad ka soconayo dagaal xoog leh oo laysu adeegsanayo noocyada hubka.Wuxuu dagaalku u dhaxeeya Ciidanka Dawladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka soo hor-jeeda.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada dad gaaraya 50 qof oo u badan rayid iyo dhaawac kor u dhafaya boqol kale, kuwaas oo ay badankood ku habsadeen Madaafiicdii lays weydaarsanayay iyo rasaas kale habow ah oo ugu tagtay meelahooda.
Dagaalka ayaa markiisii hore ku bilowday Weerar ay Islaamiyiintu ku soo qaadeen fariisinno ay Ciidanka Dawladdu ku lahaayeen Woqooyiga Muqdisho. Ka-dib, Ciidanka Dawladda oo kaashanaya kuwa Amisom ayaa qaaday weerar lixaad leh oo rogaal-celis ah, waxayna dib u qabsadeen goobo laga soo riixay.
Wararka ayaa intaas ku daraya inay dagaalka maanta ka qayb galeen Taangiyo iyo Gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin AMISOM, kuwaas oo jibaaxayay jiidaha hore ee Kaaraan, Cabdulcasis iyo Shibis.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, wuxuuna weli dagaalku ku sii fidayaa deegaanno hor leh.
Dadweynihii ku harsanaa Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho ayaa ku jira qaxitaan lixaad leh, iyagoo raadsanaya deegaannada nabdoon.
Kasmo Online..





