Muqdisho:-Duqeyn xoog leh, dagaal iyo Madaafiic la is-weydaarsanayo
Waxaa la xaqiijiyay geerida 10 qof iyo dhaawac kontoneeyo ah.
Inta la og-yahay waxaa dhintay 14 qof, tobannaan kalena waa ay dhaawacmeen ka-gadaal markii dagaal laysku adeegsanayay noocyada hubka uu ka dhacay Muqdisho shalay ilaa xalay. Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Ciidanka Dawladda oo kaashanayay AMISOM iyo Xoogagga Islaamiyiinta ee ka soo hor-jeeda.
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dagaalku ku fiday: Tarbuunka, Km.4, Buula-xuubey, Waddada G.Dayuuradaha iyo tan Maka Al-Mukarrama.
Warar laga helayo Cisbitaalka Madiina iyo goobo kale oo Caafimaad ayaa tibaaxaya in uu soo gaaray dhaawac kor u dhaafaya 40 qof, oo u badan dad raytid ah.
Dagaalkaan ayaa ku wada safnaa Xoogagga Xisbul Islaam iyo kuwa Al-Shabaab, oo iyagu berhayan dambabe uu is-diid ka dhaxeeyay.
Warar kale ayaa intaas ku daraya in ay Islaamiyiintu dib u soo riixeen Ciidankii Dawladda ee ay is hor-fadhiyeen, laakinse waxay caqabado iyo duqeynno xoog leh kala kulmeen Ciidanka AMISOM.
Laakin W.Dawlaha Gaashaandhigga Yuusuf Indhacadde ayaa sheegaya in dagaalkii shalay ay islaamiyiinta kaga dileen 10 qof, ayna ka qabsadeen aagag hor leh.
Dagaalkan ayaa dhacaya xilli ay labada dhinac muddaba isku wadeen warar sheegaya inuu dhinacba ka takhalusi doono kan kale.
Kasmo Online..





