Al-Shabaab oo bixisay Hanjabaad...!!
Al-shabaab ayaa u hanjabtay cid kasta oo Soomaali ah oo la shaqaysa Hay'adda Qaramada Midoobay ee WFP...
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay : In cid kasta oo Soomaali ah, sida Ganacsatada iyo Darawallada ee la shaqeysa Hay'adda Qaramada Midoobay ee WFP in ay yihiin cadow.
Shabaab waxay sheegaysaa in Cuntada ay soo dejiso Hay'addaas WFP ay curyaamiso Beeralayda Soomaaliyeed.
Shabaab waxay tibaaxaysaa in ay Hay'addaasu qeybiso Cunno Lacag la'aan ah, ayna qaybinteedu tahay mid ay ka dambeyso Siyaasad.
Ha'adda WFP ayaa iyaduna sheegaysa in ay cunnada ku qaybinayso meeshii kasta ee ay u arkayaan in ay shaqaalaheedu ku badbaadayaan.
Arrinkaan ayaa soo baxay iyada oo uu Masuul sare oo u hadlay WFP uu ku eedeeyay Al-Shabaab, in ay is hor-taageen Cunno ay u qaybinayeen dadka ku soo barakacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.
Sarkaalka WFP u hadlayay Mr.Smordon ayaa wuxuu tibaaxayaa in ay Al-Shabaab hor-istageen 360.000 qof Soomaali ah oo loo qaybinayay Cunno. Kuwaas oo aad ugu baahnaa cunno, kuna sugan Waddada Muqdisho-Afgooye.
Kasmo Online..





