Home | Warar | Madaxweynaha Iiraan oo u digay Dawladda Israa'iil..!!.

Madaxweynaha Iiraan oo u digay Dawladda Israa'iil..!!.

image Dimishiq

Isagoo booqasho ku jooga Dalka Suuriya ayuu Mr.Najaad uga digay Israa'iil inay ku sii socoto qaladyadii hore..

Madaxweynaha dalka Iiraan Maxmuud Najaad ayaa uga digay Dawladda Israa'iil in ay ku sii socoto qaladyadii hore. Wuxuuna tibaaxay in ay Yahuuddu ugu dambaynta ku dhiman doonto gacmada shucuubta gobolka.

Madaxweyne Najaad oo hadalkan ka jeediyay Dimishiq oo uu booqasho ku joogay beryahaan ayaa intaas raaciyay:-"Haddii maamulka Sahyuuniyaddu isku deyaan inay qaladyadii hore ku sii socdaan,markaas dadyowga gobolka ayaa hubaal ah in ay xididdada u siibi doonaan".

Hoggaamiyaha reer Iiraan oo ka hadlayay ujeeddada booqashadiisa dalka Suuriya ayaa sheegay: in ay isaga iyo Madaxda Suuriya isla gorfaynayaan sidii ay go'aan kama dambays ah uga qaadan lahaayeen falalka ay suuragalka tahay inay ka yimaadaan dhanka Israaiil.

Madaxweynaha dalka Suuriya ayaa isagana shir jaraaid oo wadajir ahaa ka sheegay: in ay Dawladda Iiraan xaq u leedahay in ay haysato Awoodda Nuklearka ah.

Wararka ka imanaya Dimishiq ayaa intaas ku daraya in ay labada Madaxweyne kala saxeexdeen heshiisyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin: in aan labadooda dal loo kala qaadan Fiisooin.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa maalin un ka dib markii ay Xoghayaha A.Dibadda ee Maraykanku H.K. ku baaqday lagama-maarmaannimada in Suuriya iyo Iiraan la kala fogeeyo.

Kasmo Online...

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text