Qaramada Midoobay oo ka hadashay Gargaarka USA ee Soomaaliya
Qaramada midoobay ayaa ka hadashay shuruudo uu Maraykanku ku xiro gargaarka Soomaaliya.
Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka la siiyo Soomaaliya,ninka lagu magacaabo:Mark Bowden ayaa ku eedeeday Dawladda Maraykanku in ay tahay mid siyaasadeynayso gargaarka ay bixiso.
Sarkaalkan ayaa tibaaxaya inay Xukuumadda USA ay isku deyayso in ay joojiso sahayda gaaraysa Xoogagga islaamiyiinta ah ee la dagaallama Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Ninkaan ayaa intaas ku daraya in aan loo baahnayn in gargaarka uu Maraykanku bixinayo iyo in laysku xiro Hay'adaha gargaarka.
Sarkaalka UN-ka ayaa waxaa uu leeyahay Shuruudaha uu Maraykanku ku xirayo gargaarka Soomaaliya, waxay dhibaato u keenayaan dadka rayidka ah.
Kasmo Online..





