Home | Warar | Af-hayeenno u kala hadlay Ciidanka Dawladda,Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam

Af-hayeenno u kala hadlay Ciidanka Dawladda,Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam

image Dagaal

Dhamaan waxay sheegayaan inay isu-diyaariyeen dagaal xoog leh..

Af-hayeen u hadlayay Ciidamada Dawladda Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay dhowaan dalka soo gaarayaan Ciidamo ka socda dalka Jabbuuti, kuwaas oo Ciidanka Dawladda KMG ah ku caawin doona dagaalka ay kula jirto Mucaaradkeeda -sida uu hadalka u dhigay.

Af-hayeenkan oo lagu magacaabo Aadan Kaalmoy, ayaa tibaaxay inay Ciidanka dawladdu haatan isu-diyaarinayaan dagaal xoog leh oo ay Mucaaradka la gelayaan. Wuxuuse raaciyay inuusan xaddidi karayn taariikhda ay Ciidanka jabuuti soo caga-dhigan doonaan.

Af-hayeen Kaalmoy ayaa waxaa uu ku eedeeyay dawladda Eretariya iyo kuwa kale in ay taageero u fidiyaan Xoogagga ka soo hor-jeeda Dawladda KMG ah ee Midnimo-Qaran.

Dhanka kale, Af-hayeen qariyay magaciisa oo u hadlayay Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegaya in ay dhankooda si fiican isugu diyaariyeen dagaal weyn oo ay la geli doonaan Ciidanka dawladda.

Sidaas oo kale ayaa Af-hayeenka xagga Warfaafinta ee Xisbul-Islaam uu shaaca ka qaaday in Xoogag badan oo iyaga ka tirsan in ay soo galeen Caasimadda, isuna diyaarinayaan Dagaal ay la geli doonaan Ciidanka Dawladda iyo kuwa AMISOM.

Maalin ka-hor un bay ahayd markii uu Guddoomiyaha Xisbul-Islaam Sh.Daahir Aweys uu meel bannaan-bax ah kaga baaqay dagaal ka dhan ah Dawladda KMG ah iyo Ciidanka AMISOM.

Geesta kale Qoysas tira badan oo reer Muqdisho ah ayaa si xoog leh uga bara-kacaya Deegaannadooda, iyagoo ka baqdin-qaba waxyeellada dagaalka la filayo inuu dhawaan qarxo.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text