Home | Warar | Wasiirkii Sportiga Md.Sulaymaan Colaad Rooble oo geeriyooday

Wasiirkii Sportiga Md.Sulaymaan Colaad Rooble oo geeriyooday

image S.Colaad

Magaalada Riyaad ee dalkab Sacuudiga ayuu ku geeriyooday, waxaana halkaas loo geeyay dhaawacii ka soo gaaray qaraxii Hotel Shaamow dartiis...

Wasiirkii Dhallinyarada iyo Sportiga ee Dawladda KMG ah: Sulaymaan Colaad Rooble ayaa maanta ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, halkaas oo looga daweynayay dhaawacii cuslaa ee ka soo gaaray qaraxii Hotel Shaamo ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii bishii Dicembar ee 2009-kii ee uu fuliyay Nin isa soo biimeeyay, halkaas oo ay hore ugu geeriyoodeen 3 Wasiir oo kale iyo 20-neeyo qof oo isugu  jiray arday qalan-jebinayay, dhaqaatiir iyo waalidiin.

Dhaawaca Wasiirka oo halis ahaa darteed ayaa loogu qaaday dalka Sacuudiga. Wuxuuna firir halis ah ka qabay laf-dhabarta, madaxa iyo qoorta oo jab laga helay.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa aad uga xumaaday falkaas iyo  kuwii ka dambeeyay  intaba..

Inaa-lillaahi, wa-innaa ilayhi raajicuun...

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text