Home | Warar | Markab kuwa Ganacsiga ahaa oo laga badbaadiyay B/Badeed

Markab kuwa Ganacsiga ahaa oo laga badbaadiyay B/Badeed

image X/Soomaaliyeed

NATO ayaa sheegtay in Markabkaas uu badbaadiyay Markab dagaal oo Denmarka ay leedahay..

Ciidamada NATO ayaa sheegaya in Ciidan si gaar ah u tababaran oo  Denmark ah ay maalintii Jimcaha ka badbaadiyeen Burcad-Badeed Soomaaliyeed Markab kuwa Ganacsiga ah oo ay saarnaayeen 25 Shaqaale ah.

Burcad-Badeedda ayaa maagganaa in ay Markabkaas ku af-duubtaan Xeebaha Soomaaliyeed,wayse baxsadeen markii ay ku soo baxeen Ciidanka Denmark, mana ay suura-gelin in gacanta lagu dhigo Burcadda.

Warkaan ayaa waxaa baahiyay Wakaladda Wararka ee Faransiiska,iyadoo soo xiganaysay Afhayeenka Ciidanka NATO ee la-dagaallanka Burcad-Badeedda, oo lagu magacaabo: Jhon Harbon.

Warka ayaa intaas ku daraya in Ciidan Denmarka ay adeegsanayeen Markab dagaal ee Jiiddaas ka jooga, kaas oo badbaadinta Markabka gacansiga u adeegsaday Dayuurad ah kuwa qumaatiga u kaca.

Ciidanka Denmarka ayaa Markabkaas ay badbaadiyeen kaga soo degay xagga hawada, gudahana u galay Markabka...

Waxaa la badbaadiyay dhammaan Shaqaalihii Markabka oo u kala dhashay dalalka :Filibiin,Okrein, Hindi,Bolgaria iyo  Salovak. Waxaa dhammaan laga soo saaray qol ay isku xireen oo qayla-dhaantana ka dirsadeen, oo Markabka dushiisa ahaa.

Arrintaan ayaa dhacaysa 48 saacadood ka-dib markii Markab laga lahaa Liibiya ay Burcad-Badeedu ku qafaasheen Gacanka cadmeed.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text