Burcad-Badeed Soomaaliyeed oo af-duubay Markab laga leeyahay Liibiya
Burcad-Badeedda ayaa Markabka reer Liibiya ka qafaashay Gacanka Cadmeed.
Burcad-Badeed Soomaaliyeed ayaa Biyaha Gacanka-Cadmeed ka qafaashay Markab laga leeyahay Liibiya oo watay Calanka W/Kuuriya. Kaas oo ay la socdeed 17 shaqaale ah oo u kala dhashay Liibiya iyo Romania.
Ururka Socdallada xagga Badda oo warkan ka soo saaray Xaruntiisa Nairobi ayaa intaas ku daraya inuu Markabkan oo ahaa kuwa Xamuulka, uu waday shixnad dhan 4.800 tan.
Ergada Midowga Yurub ee la-dagaallanka Burcad-Badeedda, ayaa intaas ku daraysa in ay arrinta la socdaan, Markabkuna uu haatan ku sii jeedo dhanka Xeebaha Soomaaliya.
Warbixinnada ayaa iyaguna sheegaya inay falalka Burcad-badeeddu kordheen %40,marka la eego heerkoodii sannadkii hore.
Toddobaadkii hore un bay ahayd markii uu Madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland booqashada ku joogay Liibiya, xilligaas oo uu warfaafinta u sheegay inay Dawladda Liibiya ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin: la-dagaallanka Burcad-Badeedda.
Kasmo Online..





