Home | Warar | Madaxweyne Shariif oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Q.Midoobay

Madaxweyne Shariif oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Q.Midoobay

image Villa Somalia

Wafdiga uu Shariifku la kulmay ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Kaaliyaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya...

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa Xarunta Madaxtooyada ee 'Villa Somalia' kula kulmay Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Q.Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Ku-xigeenkaas  oo lagu magacaabo Mr.Charles Petrie.

Wafdigan oo ay ujeeddada booqashadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Beesha Caalamka iyo Dawladda Soomaaliya, ayaa waxay kaloo la kulmeen R/Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Madaxa Wafdiga Mr.Charles ayaa Warfaafinta u sheegay: inay iyaga iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed ka wada hadleen: Sidii wax looga qaban lahaa ammaan-darrida, gargaarka aadaminimo iyo kaalmada sidii loo gaarsiin lahaa Cisbitaallada.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay Beesha Caalamku ku kalsoon yihiin wax-qabadka dawladda hal sano ka-dib, ayna diyaar u yihiin kordhinta taageerada Dawladda.

Wafdi ka socday Dawladda Norway oo iyaguna qayb ka ahaa wafdigan ayaa iyaguna ku ballan-qaaday taageeridda Dawladda Midnimo-Qaran,gaar ahaan dhinaca sugidda Ammaanka.

Arrintaan ayaa dhacay maalin un ka-dib markii uu Madaxweynuhu ka soo laabtay Shir-madaxeedkii Midowga Afrika ee Addis-ababa.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text