Ku Xigeenka Xisbiga Labour-ka iyo Guddiga Festivalka
Harriet Harman Ku Xigeenka Xisbiga Shaqaalaha oo la kulantay Guddiga Qabanqaabada ee London Somali Festival
Habeynkii khamiista, 28kii Jannaayo 2010, Bombay Dreams Restaurant oo ku yaal xaafadda Wembley ee Degmada Brent ee magalaada London waxaa lagu qabtay casho sharaf si weyn loo soo agaasimay. Waxaa cashadaas soo qabanqaabiyey xildhibaanada laga soo doorto Brent, waa Dawn Butler MP oo islamarkaasna ah Wasiirka 'Young Citizens and Youth Engagement', waxaana Cashada lagu maamuusayey, laguna soo dhoweynayey Ku xigeenka Xisbiga talada dalka haya ee Labour Party, waa Harriet Harman MP.
Xafladda waxaa kasoo qeybgalay hawladeenada iyo madaxda dowladda hoose ee Brent, Xisbiga Labour Party iyo wakiilo ka socdey jinsiyadaha kala duwan ee ku dhaqan Brent, Waxaana xusid mudan in xafladda lagu martiqaadey London Somali Festival iyo Wargeyska Kasmo, kana koobnaa Ahmed Abdi Daahir, Khaalid Macow, Dr Abdirahman Cunaaye, Xuseen Aaden, C/qaadir Shire iyo Abdishakuur Mire.
Guud ahaan jawiga xafladda waxaa si weyn looga dheehan karay diyaar-garowga Xisbiga Shaqaaluhu ugu jiro doorashada guud ee la filayo inay sanadkaan ka dhexdiisa ka dhacdo dalkaan Britian iyo loolanka xisbiyada ku hardamaya madaxtinimada dalkaan.
Casho sharaf kadib waxaa halkaas khudbad kooban ka jeedisay gudoomiye ku xiggenka Xisbiga Labour-ka, Harriet Harman oo si faahfaahsan uga hadashay arragtida siyaasadda Xisbiga Labour oo ay ku tilmaantay inuu yahay xibsiga horseeedey inay London noqonto caasimada dhaqamada iyo jinsiyaadka kala duwan.
Hoggaamiyaha xisbiga Labour Gordon Brown ayey ku amaantay siyaasaddii qotada dheerayd ee uu kaga hortagay qalalaasihii dhaqaalaha adduunka saameeyey ee ka bilowdey Maraykanka, balse saameyey dunida inteeda kale. Waxay halkaas uga dhawaaqday in dalka Britain hadda ku dhaw yahay inuu ka baxo qalalaalsahaas dhaqaale.
Gordon Brown ayey ku tilmaantay inuu ahaa hoggaamiyiihii ay madaxda adduunka weydiinayey sidii ay uga bixi lahaayeen recesion-ka markii ay ka qeybgalayaan kulankii kooxda labaatanka ama G-20, bishii Abriil 2009, ka dhacay magaalada London.
Harriet Harman waxay taageerayaasha Xisbiga Labour-ka ee degmada Brent ku boorisay inay xaqiijiyaan in Dawn Butler markale loo soo doorto xildhibaanada ka tirsan baarlamaankaan dalkaan Britian.
Harriet Harman ayaa ku tilmaantay Dawn Butler haweeney marwalba ku dadaasha inay cod u noqoto dadka ku dhaqan degmada Brent, gaar ahaan aaga laga soo doorto ee South Brent, waxayna sheegtay inay gacan weyn ka geysatay horumarinta dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo adeega guud ee Degmada Brent.
Dhanka kale, waxay xustay inay Down Butler tahay mid ka mid ah labada gabdhood ee madow ee ku jira Aqalka Baarlamaanka, ayna mudan tahay inay ku sii jirto.
Harriet Harmen ayaa si gaar ah ku sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay xafladda joogaan xubno ka socdey jaaliyada Soomaalida gaar ahaan London Somali festival iyo Kasmo Newspaper, waxayna muujisay sida u bogaadinayso, ula dhacsan tahay inay Soomaalidu door wax ku ool ah ka qaataab nolosha dalkaan.
Guud ahaan xafladda oo lagu gaaray 11:30 habeynimo ayaa waxaa soo gabagabeeyey xildhibaan Dawn Butler oo u mahad-celisay intii kasoo qeybgashay iyo intii gacan ka geysatay qabsoomida xafladdaan, gaar ahaan hawladeenada xaafiiskeeda oo iyagu kaalin weyn ka qaatay qabsoomida xafladda.
Waxay ku dhiiri-gelisay dhamaan hawladeena Xisbiga Labour iyo u tartamayaasha Golaga Degaanka dowladaha hoose ee Brent ee iyagu ku tartamaya magaca Labour inay tahay inay wada guuleystaan “Maahan inaan kaligay guuleysto ee waa inaan wada guuleysano” ayey tiri Dawn Butler.
WQ:C/Shakuur Cali Mire





