Home | Warar | Dab xoog leh oo qabsaday Suuqii Bakaaraha..!!

Dab xoog leh oo qabsaday Suuqii Bakaaraha..!!

image Dab

Dabka oo si kedis ah u qabsaday Suuqa ayaa geystay khasaare ballaaran. Waxaa la xaqiijiyay geerida laba qof...

Dab xoog leh ayaa ka kacay Suuqii weynaa ee Bakaaraha gellinkii hore ee xalay, waxaana la xaqiijiyay dhimashada laba ruux iyo khasaare ballaaran oo xagga hantida ah oo uu geystay dabkaasu.

Ilaa iyo hadda waxaan tiro sax ah laga heyn inta ku dhaawacantay dabkaas iyo xaddiga xagga baaba'a hantida ah ee uu sababay.

Dabkan oo ka bilowday qaybta shidaalka ee Suuqa ayaa ilaa iyo hadda la ogayn waxa sababay. Shidaalka halkaas ku gudbay ayaa lagu sheegay ilaa 80 foosto oo noocyada shidaalka isugu jirtay.

Suuqa Bakaaraha oo haatan ah kan weyn ee ka jira dalka ayaa dhowr jeer oo hore uu qabsaday dab, mana jirto gaadiidka dab-damiska ah oo looga hor-tago dhibaatada oo kale.

Kasmo Online...

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text