Sii daaya 'Waayeelka Lamaan'
Soomaalida UK oo dareen xun ka qaaday af-duubka lagu haysto lamaane British ah
Waxaa ka socda Magaalada London iyo guud ahaan dalka UK, qabanqaabo ballaaran oo lagu dalbanayo in si degdeg ah iyo shuruuud la'aan loo sii daayo Paul Chandler iyo Rachel Chandler. Kuwaas oo tan iyo 23kii Oktoobar 2009 ku jiray gacan koox Soomaali ah oo burcad ah.
Paul Chandler iyo xaaskiisa Rachel Chandler, waa waayeel howlgab ah, gablan ah oo aan caruur lahayn, isla markaas ah shacbi caadi ah, waxayna marka la qabanayo dalxiis ahaan u dhex mushaaxayeen Badweynta Hindiya, meel aad uga durugsan biyaha Soomaaliya.
Paul Chandler iyo xaaskiisuma ma jirto cid ay colaad u qabaan iyo sabab xoriyaddooda iyo naftooda toona halis loo geliyo, iskaba dhaaf in madax-furasho lagu doonayo siideyntooda eh!
Dalkan Britain, boqolaal kun oo Soomaali ah ayaa ku nool, oo nabadgelyo, degaansho, shaqo, waxbarasho, ganacasi, caafimaad iyo xanaano buuxda ku haysta. Kuwaas oo maanta badankood noqday dad British ah. Isla markaasna ah Mujtamac ballaaran oo Soomaali ah, ayna saameyo xumaan iyo wanaagba waxa ka dhacaya gudihii Soomaaliya.
Arrinta af-duubka Lamaanaha British-ka ahi waxay heerka ugu dambeysa kicisay dareenka iyo diidmada falka noocaas ah oo lagula kacyo muwaaddiniin British ah.
Waxgaradka iyo odayaasha iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool oo deggan degaanka lagu haysto, waxaa musuuliyad waeyni ka saran tahay in waayeelkaas la badbaadiyo naftooda, shuruud la’aanna la siidaayo.
Xigasho: Wargeyska Kasmo, soo baxay 28 Janaayo 2010,
London (UK)





