Madaxweyne Shariif oo u ambabaxay Addis-ababa
Wuxuu ka qayb-galayaa shir-madaxeedkii 14-aad ee Madaxweynayaasha Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh.Axmed iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, ayaa u ambabaxay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa Addis-ababa kaga qayb-galaya shir-madaxeedkii 14-aad ee Madaxwaynayaasha Dawladaha Afrika.
Wareysi kooban oo uu bixiyay Madaxweyne Shariif ayuu ku sheegay:in ay kulankaas isugu imanayaan Madaxda Afrika iyo Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo weliba Ururro kale oo Caalami ah.
Shariifka ayaa tibaaxay inay Kulankaas Caalamiga ah hor-dhigi doonaan himilada Shacbiga Soomaaliyeed ee ah in ay helaan nabad iyo Dawlad shaqaysa.
Mudane Shariif oo soo hadal-qaaday muddada sannadka ah ee u buuxsantay intii uu hayay Xilka Madaxweynanimo, ayaa waxaa uu sheegay:-"Sannadkaas Dawladda ayaan salka u dhigaynay, hadda wixii ka dambeeyana waxaan ummadda ka dul-qaadaynaa xoogagga nabad-diidka ah".
Madaxweyna Shariif ayaa ugu baaqay dhallinyarada la marin-habaabiyay ee la safan xoogagga ka soo hor-jeeda Dawladda inay isaga soo haraan kooxahaas.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku weheliyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Dawladda Midnimo-Qaran.
Kasmo Online..





