Home | Warar | Madaxweyne Shariif oo ay u buuxsantay hal sano oo uu xilka hayay

Madaxweyne Shariif oo ay u buuxsantay hal sano oo uu xilka hayay

image Shariifka

Xaflad munaasabaddaas lagu weyneynayay oo lagu qabtay Madaxtooyada.

Xaflad lagu maamuusayay sannad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii uu xilka Madaxweynanimo qabtay Mudane Shariif Sh.Axmed ayaa lagu qabtay Madaxtooyada.

Madaxweyne Shariif oo munaasabaddaas khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inuu Xoogagga Islaamiyiinta ee la dagaallamaya Dawladiisa uu ka adkaan doono,kuwaas oo haatan ka taliya inta badan koonfurta dalka.

Madaxweyne Shariif ayaa tibaaxay inay Xoogagga ka soo hor-jeeda Dawladda ayan ku dagaallameyn Islaannimo, balse ay fulinayaan dano shisheeye.

Mudane Shariif ayaa carrabka nku adkeeyay in ay Dawladdiisu haatan diyaar u tahay inay soo celiso degganaanshihii dalka.

Dabbaal-deggan ayaan ku soo beegmaya iyada oo ay Ciidanka Dawladda iyo Xoogagga Mucaaradku Madaafiic iyo tacshiirado is-weydaarsanayaan, iyada oo qaar ka mid ah Hoobiyayaasha ka imanaya dhanka mucaaradka ay soo gaarayaan Madaxttooyada.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text