Burcad-Badeed Markab ka af-duubay agagaarka Xeebta Barbara
Markabkan ayaa Kamboodia, waxaana laga afduubay biyaha Xeebta Barbara.
Markab kuwa xamuulka ah oo laga lahaa dalka Kambodia ayaa waxaa laga qafaashay biyaha ku aaddan magaalada Barbara ee Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland.
Sarkaal magaalada Nairobi uga hadlayay Hay'adda xagga Socdaallada adduunka ayaa sheegaya: inay Burcad-Badeed Soomaaliyeed qafaasheen Markabkan, ka-gadaal markii laga rogay Xamuulkii uu siday.
Sarkaalka ayaa intaas ku daray: in ay Markabka dul-saarnaayeen shaqaale u kala dhashay dalalka:-Soomaaliya,Baakistaan, Hindi, Sirilaanka iyo Suuriya. Lana filayo inay u rarnayd Ganacsato isugu jirta Suuriyaan iyo Imaaraat.
Sida la og-yahay Maraakiib ka badan toban ayaa haatan ku jira Gacmaha Burcad-badeedda, waxayna badanaaba sii dayntooda ku xiraan Madax-furasho lacageed oo Malaayiin Doollaar ah.
Kasmo Online..





