Home | Warar | Ahlu-sunna iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay War-Xoolo

Ahlu-sunna iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay War-Xoolo

image Dagaal

Xoogagga Ahlu-sunna iyo kuwa Al-Shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanka War-xoolo ee Galguduud..

Wararka ka imanaya Gobolka Galguduud ayaa sheegaya inay Xoogagga Ahlu-sunna iyo kuwa Al-Shabaab ku dagaallameen deegaanka loo yaqaan War-xoolo.

Af-hayeen u hadlayay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sh.Cali Maxamuud Raage ayaa sheegaya inay Xoogaggiisu ka gacan-sarreeyeen kuwa Ahlu-sunna.

Laakin dhinaca kale Sh.Cabdullaahi Abuu-Yuuruf oo u hadlayay Ahlu-sunna ayaa nisaguna tibaaxaya inay Xoogaggiisu ka guulaysteen Al-Shabaab.

Deegaanno ka tirsan Gobolka Galguguud oo kala hoos yimaada degmooyinka Ceel-dheer iyo Ceel-buur ayay dhowr jeer oo hore ku dagaallameen Xoogagga labada kooxood. Waxayna mar kastaa kala sheegtaan guulo.

Dagaallada u dhaxeeya labadan Xoog ayaa ka dhaca meelo kale oo uu ka mid yahay Gobolka Hiiraan. Wuxuuna u muuqdaa dagaalkoodu mid sii fidaya, welina laysu sii hub-urursanayo.

Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text