Home | Warar | Hoobiyayaal iyo Madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho..!!

Hoobiyayaal iyo Madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho..!!

image Duqeyn..

2 qof ayaa geeriyootay 5 kalena waa dhaawacmeen ka dib markii Madaafiic iyo Hoobiyayaal la isku weydaarsaday Muqdisho..

Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in ay geeriyoodeen 2 qof, 5 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii halkaas la isku weydaarsaday Hoobiyayaal iyo Madaafiic.

Madaafiicda ayaa ka imanaysay dhanka Ciidanka Dawladda iyo kuwa Amisom, waxayna arrintu dhacday ka-dib markii ay Xoogagga Mucaaradku dhowr Hoobiye ku duqeeyeen Xarunta Madaxtooyada ee 'Villa Somalia'.

Goob-joogayaasha ayaa intaas ku daraya in ay Madaafiicdu ku kala dhacaysay Xaafadaha Siinaay iyo Xarar-yaalle ee degmada Wardhiigley.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen Garoonkii Kubadda Cagta ee Stadium Mogadisho, halkaas oo fariisin u ah Xoogagga ka soo hor-jeeda Dawladda Midnimo-Qaran.

Dhanka kale, waxaan weli faahfaahin laga hayn wixii khasaare ah ee ay geysteen Hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada.

Kasmo Online...

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text