Qaybtii 3aad- Xadka Riddada: Maxaa ka run ah?
Xumaha Gaalaynta Muslimiinta- Qaybtii 3aad ee qormada 'Xadka Riddada: Maxaa ka run ah?"
Islaamku gaalaynta muslimiinta wuxuu u arkaa dhaqan xun oo loo baahan yahay in muslimku iskala weynaado. Nebigana (SCW) waxaa laga wariyey axaadiis badan oo muslimiinta uga digaya dhaqanka gaalaynta, waxaana ka mid ah xadiiska oranaya: " Haddii ninku [= qofku] ku yiraahdo walaalkiis gaalyahow midkood bay ku noqotaa [= gaalnimadu], oo haddii kan lagu sheegay gaalnimadu uu sidaa yahay isaga ayaa gaal ah, haddii kalena waxay ku noqotaa kan yiri". Riwaayad kalena waxay leedahay: " Ruuxii nin ku sheega gaalnimo, ama yiraahda cadowgii Alle, haddii uusan sidaa ahayn isagay ku noqotaa". Xadiis kalena wuxuu leeyahay: " Ruuxii muumin gaalnimo ku ganaa [= ku sheegaa] wuxuu la mid yahay sidii inuu dilay".
Culumada islaamkuna waa isku khilaafeen macnaha dhabta ah ee gaalnimada axaadiistaani sheegayso, oo waxay isweydiiyeen su'aasha ah: ruuxii muslim gaalnimo ku sheegaa ma gaaloobayaa mise denbi weyn buu kasbanayaa? Haddii si kale loo yiraahdo, gaalnimada axaadiistu sheegtay ma gaalnimo ruuxa diinta ka saaraysaa mise maya? Culumada badankooduna waxay qabaan in gaalnimada axaadiistu sheegaysaa aysan ahayn mid diinta looga baxayo balse ay tahay mid muujinaysa faasiqnimo iyo in ruuxa sidaa u dhaqmaa uu mudanayo caro Alle. Laakiin qaar kale oo culumada ka mid ahi waxay yiraahdeen haddii ruuxa gaalnimada lagu sheegay uu dhab ahaantii gaal yahay ruuxa erayga yiri wax eed ah yeelan maayo, laakiin haddii uusan gaal ahayn isaga qudhiisa ayaa gaaloobaya, waayo xaaladdaas wuxuu ka dhigan yahay inuu islaamka qudhiisa gaalnimo ku sheegayo, ruuxii islaamka gaalnimo ku sheegaana waa gaaloobayaa. Intaa waxaa dheer, culumada qaarkood waxay yiraahdeen: ruuxa muslimka ku yiraahda gaalyahow, ama faasiq-yahow ama faajir-yahow wuxuu mudanayaa ciqaab tacsiir ah, maxaa yeelay wuxuu ku dhacay denbi aan xad go'an lahayn, denbiyada aan xadka lahaynna waxaa lagu ciqaabaa ciqaab lagu edbinayo oo ah ciqaabta loo yaqaan tacsiirta.
Saxaabigii Usaama bin Seyd (RC) oo nebiga ka warinaya dhacdo isaga qudhiisa qabsatayna wuxuu yiri sidatan: " Rasuulkii Alle (SCW) ayaa wuxuu noo diray hawl gaar ah [=sariya], waxaanna ku waa beriisannay al-Xuruqaatka [= waa meel magaceed] Reer-Juhayno. Dabadeedna waxaan haleelay nin, markaasuu yiri: Alle mooyee Ilaah kale ma jiro. Dabadeedna waan la dhacay [= seefta]. Arrinkaasina shaki buu igu beeray. Dabadeedna nebigaan u sheegay, markaasuu yiri:
"Ma isaga oo yiri: Alle mooyee Ilaah kale ma jiro ayaad dishay!!"
Waxaan iri: Rasuulkii Allow, wuxuu sidaa u yiri isaga oo hubka ka baqay darteed.
Nebiguna wuxuu yiri: "Oo maxaad u jeexi weyday qalbigiisa si aad u kala ogaato inuu sidaa u yiri iyo in kale?!!" nebiguna kama suulin inuu su'aashaas igu celceliyo, jeer aan ka jeclaystay inaan maalintaas soo islaami lahaa!"
Culumada islaamka qaarkoodna waxay sheegeen in haddii hadalka ruuxa muslimka ahi uu 99% yeelan karo macne gaalnimo muujinaya, 1% uu leeyahay macne islaamnimo muujinaya, hadalka muslimka waxaa lagu xanbaaraya macnaha wanaagga iyo muslimnimada muujinaya. Haddii si kale loo yiraahdo: halka macne ee dhanka wanaagsan wax ka eegaya ayaa laga hormarinayaa sagaashan iyo sagaashanka kale ee dhanka xun wax ka eegaya. Waayo, wanaagga ayaa asal ah, arrinkana asalkiisii horaa lagu xanbaaraa.
Sidoo kale, culumada islaamka qaarkood waxay isweydiiyeen su'aasha ah: gaalnimada, faasiqnimada iyo dulmilownimada kee baa ugu xun? Su'aashaasna culumadu waxay uga jawaabeen in dulmigu ka xun yahay gaalnimada iyo faasiqnimada, waayo , caadi ahaan dhibka gaalka iyo faasiqu waxay ku kooban tahay qofka nafsaddiisa, laakiin dhibka dulmigu wuxuu u gudbaa bulshada .
Waxaa la wariyey in nin askari ahi uu wadaad faqiih ah waydiiyey inuu waddada u tilmaamo, laakiin wadaadkii iska dhegotirey su'aasha askeriga. Sababta wadaadku sidaa u yeelayna wuxuu ku macneeyey inuu ka baqay in askarigu u socday meel uu dulmi ka gaysanayo, haddii uu waddada u sheegana uu noqanayo mid dulmiga gacan ku siiyey, oo denbiga la qaybsanayo.
Imaam Maxamed al-Gasaali oo dhacdadaan faallo ka bixinayaana wuxuu yiri: " dadkii hore ee wanaagsanaa taxadarka noocaan oo kale ah kulama dhaqmi jirin faasiqiinta iyo gaalada, balse wuxuu ku goonni yahay dulmilowga. Waayo macsidu waxay u qaybsantaa mid gudubta iyo mid aan gudbin, fisqigu ma gudbo ee wuu kooban yahay, sidoo kalana gaalnimadu waa denbi Alle laga galay, la xisaabtankiisana isagaa iska leh. Laakiin dulmigu waa gudbaa [= dhibkiisu bulshaduu gaaraa]".
La soco toddobaadka dambe iyo Qayb 4aad
Saciid A. Ismaaciil





