Faallo Wargeyska Kasmo
Faallo Wargeyska Kasmo ka qoray Qabashada 'Xildhibaanada & Saraakiisha' Nairobi
Inta hoteellada iyo aqallada laga soo baxshay, iyadoo si fool xun loo bahdilayo, ayaa baabuurta maxaabiista lagu qaaday, ka dibna waxaa lagu xareeyey saldhigyada, ilaa ay ka buuxsamaan.
Kuwaas waxaa ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo isagu Idaacadda ka baahiyey, afkiisana ku sheegay in si fool xumo leh loola dhaqmay! Haah, General Galaal wuxuu ahaa Saraakiishii Xoogga Dalka Soomaaliya.
Isla markaas wuxuu ahaa ninkii bishan oo kale, 1991, waqti laga joogo 20-sano, isagoo hoggaaminaya maliishiyo beeleed, qabsaday Madaxtooyadii Soomaaliya. Halkaas ayuu kaga dhawaaqay; 'In urur beeleedkii USC la wareegay taladii dalka!'.
Ka bixid moorada qarannimada, ee aad gasho tan beesha, hubaal waxaad oggolaatay ka mid noqosho mooro xaqiir ah, waana taas ay Galaal iyo Generalada kaleba la kulmeen! Xildhibaan, Wasiir, Madaxweyne iyo General waxay doonto ha sheegatee, waxay fool xumo kala kulantaa joogitaanka Nairobi.
Waqtigan sida la qiyaasayo magaalada Nairobi waxaa shalmadda dhigtay tiro u dhaxaysa 150- 200 Mudane Baarlamaan Soomaali ah. Waxaana halkaas madal rasmi ah ku leh qaar ka mid ah Wasiirada Dawladda KMG ah. Markaas, warka Kenya waa cad yahay, waxaana la yaab leh in ay soo daahday.
"Generalka iyo Xildhibaanka iyo Wasiirkuba 'ha aadaan dalkoodii Somalia ama qaxootinimo ha isu dhiibaan Kenya" ayey ugu baaqday. La arki doonee in ay sii fadhiyaan, iyo in ay baxaan.
'Malaha, Somalia dan baa ugu jirta in la waayo dal deris ah oo la iska martiyo!'.





