Home | Warar | Qasadka Kenya

Qasadka Kenya

image Banaanbax, 15 Jan 2010

Dowlada Kenya oo markan u soo jeesatay Soomaalida ku sugan dalkeeda. Waa maxay qasadka?

Ka hor inta aanu dhicin mudaaharaadkii ka dhacay Nairobi, maalintii Jimcaha - 15kii Janaayo - ee laga dhex arkayey calanka lagu yaqaan Alshabab iyo nin indhuhu u xiran yihiin oo calanka lulayay, ayaa waxay dowladda Kenya soo saartay sharuuc cusub oo lagula xisaabtamayo Soomaalida ku nool Kenya gaar ahaana kuwa ka sameystay ganacsiyada waaweyn.
Dowladda Kenya waxay amartay in la soo diiwaan-galiyo dhamaan hantida ay leeyihiin dadka Soomaalida ah, iyadoo la doonayo in la ogaado halka ay hantidani ka timid iyo cidda dhab ahaanba leh.

Afhayeenka dowladda Kenya Alfred Mutua oo warbaahinta Kenya la hadlayey ayaa si toos ah loo weydiiyey su’aasha ahayd, Shuruucdani sow ma ahan kuwo ay dowladda Kenya si gaar ah ugu beegsanayo dadka Soomaalida ah? Wuxuuna ku jawaabay afhayeenku, maya, laakiin dowladda Kenya waxay doonaysaa in ay ogaato qofkii laba sanno ka hor ku jiray guri seddex qol ka kooban oo kiro ah, maantana dhisaya xaafad dhan oo isku xiran, halka uu lacagtaasi ka keenay?!
Wuxuuna ku sii daray hadalkiisa, arrinkaasi Dowladda Kenya keliya kama yaabin ee xataa Soomaalida ayaa qaarkeed la yaaban yihiin sida wax u jiraan.

Laba hadal oo Nairobi caan ka ah.
Laba arrimood oo sanadihii u dambeeyey laga dhadhansan karay carabka saraakiisha iyo shacabka Kenya ayaa jiray, kuwaasoo ku filnaa dareen ay qaadi kareen dadka Soomaalida ah.

Tan koowaad, marka qof Soomaali ah damco inuu iibsado guri, waxaa lagula kaftamayey inuu xoogaa lacag ah kala yimid dhanka biyaha Pesa Ya Maji “Burcad badeed” iyo Tan labaad in ay jirraan maalkii carabta “Alqaacida iyadoo aad loo tilmaamayey in Alshabab ay ganacsiyo badan ku leeyihiin Kenya, isla markaas halka sida xoogan lagaga taageero in ay tahay Nairobi.
Waxaa kale oo jiray hanjabaado dhowr ah oo ka yimid dhanka ururka Alshabab kuwaasoo dhowr jeer sheegay in ay saraha dhaadheer ee Nairobi qarxin doonaan haddii aanay dowlada Kenya faraha kala bixin arrimaha Soomaaliya.
Kenyada loo hanjabayo waa dal ay ku nabada galeen in ka badan 200,000 oo qof oo Soomaali qaxooti ah.
Intaas oo isla karkarsameyay, dowladda Kenyana ay shaki weyn ka qabtay tilaabada suurogalka ah ee ururka Alshabab ka fulin karo Kenya ayaa waxaa maalintii Jimcaha ahayd mudaaharaadkii si toos ah looga dhex arkay calanka ururka Alshabab Xamar la dhex taagan yihiin ee wadamada bariga Afrika iyaga gaar ahaan ugu aqoonsadeen.
Muuqaalka calankani wuxuu soo dadajiyey tilaabooyinkii ay dowlada Kenya la maaganeyd Soomaalida ku soo qaxday Kenya, waxaana la qaaday howlgalo aan loogu aabo yeelaynin Soomaalida ama sharci ha ku joogo wadanka ama yuusan haysinin wax sharci ah.
Muuqaalka calankani wuxuu sii kordhiyey shakigii ay Kenya qabtay in Alshabab wax uun ka dhex sameyn doonaan Nairobi.
Wasiirkii amniga Kenya ayaana sheegay in mudaaharaadka Alshabab wax ku dhex darsadeen oo ay ka faa'iideysateen, wuxuuna sheegay in aanay dowladda Kenya ogolayn in qof Soomaali ah uu wadanka Kenya ku joogo wax sharci ah.

Qasadka Kenya
Hase ahaatee qasadka ugu weyni ee dowladda Kenya u qaaday weerarkani ayaa la aaminsan yahay in uu yahay, iyadoo aaminsan in ganacsiyada waaweyn ee ka socda wadankeeda oo aan intooda badan taariikhdooda la aqoonin, ay leeyihiin kooxo ku lug leh burcad badeeda iyo iyadoo ay Nairobi tahay halka kaliya ee laga taageero Alshabab, gaar ahaana si joogto ah dhaqaale loogu uruuriyo Alshabab xaafadda Islii.
Labadan arrimood iyo hanjabaadihii Alshabab u hanjabay in ay Nairobi qarxin doonaan iyo calankoodii oo mudaaharaadka ka dhex muuqday, waxay kordhisay tuhunka ay dowladda Kenya iyo shacabkoodu qaadeen in aanay amaan haysanin, halis badana la soo deristay.

Arrin la yaab leh, balse qofka ku nool Nairobi uu saadaashan karay.
Maalintii jimcaha ahayd, mudahaarakii wuxuu isku badalay ka dib markii ciidanka Kenya laba jeer la riixay laba saf oo kala ahaa.
1. Saf mudaaharaadayaashii ah oo isugu jiray dad muslimiin ah oo cid waliba leh iyo
2. Saf  isugu jiray ciidanka booliska Kenya ee sida gaarka rabshadaha uga hor tagay iyo shacabka kale ee wadanka Kenya u dhashay oo is kaashanayey, wada jirna uga hor tagayey mudahaaradayaasha.

Dhanka Ciidanka Kenya waxaa la soo saftay dadka reer Kenya kuwaas oo dareenkooda ay muujiyeen ahaa in ay neceb yihiin Soomaalida iyo Islaamka dadka sheegtaba.

Dareenka Soomaalida
Soomaali badani waxay dareen ka muujiyeen in culus weyn fuulay oo aanay nabadii hore loogu haystay Kenya aanay sii jiri doonin, waxayna eedda iyo haaraan dusha uga tuurayeen ururka Alshabab.
Qaar badan oo leh anaga calankan madow ayaa naga hari waayey ayaa laga maqlayaa meelaha la isugu yimaado. Waxayna si wey u dhaliilayaan ururka Alshaba iyagoo carabka ku adkeynaya in aanay Kenya marnaba sidan yeesheen haddii aanu Alshabab dhibaatooyinkiisa la soo aadeen dhankaan.
Abdirizak Mohamed Diriye
Nairobi, Kenya
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text