Ilaa 300 Soomaali ah oo Booliska Kenya qabteen iyo howlgalka oo sii socon doono
Booliska Kenya ayaa sheegay in howlgalku weli sii socon doono
Illaa 300 boqol Soomaali ah ayaa xallay (17kii Janaayo 2010) Booliska Kenya howlgal ay ka sameeyeen Nairobi iyo magaalooyin kaleba ku qabqabteen. Mudayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil sar sare ayaa ka mid ah dadka la qabqabtay ee xalay xabsiga ku dhex baryay, waxaana TVga Kenya laga daawanayey qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaalida oo Baasaboor cas kor u taagayay iyagoo lasoo taagay maxkamad.
Madaxa Booliska Nairobi ayaa sheegay in howlgalada Booliska ku qabqabanayo dadka sharci darada ku yimid Kenya aanay intaas ku ekeyn ee ay sii socon doonaan, warkaas oo cabsi weyn ku beeray intii xalay ka badbaaday qabqabashada.
Qunsulka Soomaalida ee Kenya Mr Edsan ayaa warbaahinta u sheegay in dad badan oo wadanka Kenya Viseyaal ku jooga ay Boolisku qabqabteen arrinkaas oo uu Edsan ku tilmaamay mid ay dowlada Soomaaliya aad uga xun tahay.
Kasmo Online, Nairobi





