Home | Warar | Ciidanka Booliska Kenya oo Hotel Barakaat Nairobi galay, baarisna ku haya.

Ciidanka Booliska Kenya oo Hotel Barakaat Nairobi galay, baarisna ku haya.

image Ciidanka GSU ee Kenya

Dhamaan dadkii deganaa ayaa la isugu keenay qeybta soo dhoweynta Hotelka iyadoo qol qol Boolisku u baaraya.

Caawa fiidkii ayaa laba gaari oo ay ka buuxaan ciidanka sida gaarka u tababaran ee Booliska Kenya (GSU) mar kaliya soo dhoobteen hotel Barakaat oo ku yaala xaafada Eastleigh waxayna galeen Hotelkaas, iyagoo dadkii degenaa isugu keenay qeybta soo dhoweynta, kuna sameynaya baaris qololka uu hotelku ka kooban yahay.

Ciidanka ayaa weli ku jirra baaritaanka ay hotelka iyo dadkaba ku hayaan. Sidoo kale qeybo kale oo ka tirsan xaafada Islii ayaa lagu arkayey ciidamo iyaguna ku raran gawaari, waxaana la filayaa in Hotelo kale la gali doono iyadoo laga baarayo wax la xirriira Alshabab.

Baaritaanka ayaa la aaminsan yahay inuu ka danbeeyo, ka dib markii wasiirka amniga Kenya Prof George Siatoti todobaadkan sheegay in ay xubno ka tirsan Alshabab ay ku lug lahaayeen mudaaharaad jimcihii ay sameeyeen muslimiinta Kenya. Alshabab wey beeniyeen in ay ku lug lahaayeen mudaharaadkaasi.

Dowlada Kenya ayaa sidoo kale ku amartay dadka ganacsiyada waaweyn ku haysta Kenya in ay soo diiwaan galiyaan ganacsigooda. Mar la weydiiyey afhayeenka Dowlada Kenya Alfred Mutua oo isaguna u waramayey warbaahinta Kenya in Soomaalida la doonayo in lagu bartilmaameedsado amarka diiwaan galinta hantida ayuu sheegay in aysan arrintun sidaa ahayn balse dowlada Kenya ay xaq u leedahay in ay weydiiso qofka Soomaaliga ah ee 2 sano ka hor ku jiray guri kiro ah, hadduu dhisayo xaafada 500 oo guri ka kooban, in la weydiiyo halka uu lacagtaasi ka keenay? Waana arrimahaas ayuu yiri kuwa la donayo in la ogaado. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, xataa qaar badan oo Soomaalida ka mid ah ayaa og arrimahaas oo la yaaban halka lacagtaanu ka timaado.

Ururka Alshabab ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay Kenya in ay weeraro qarxin ah ka fulin doonaan Nairobi, iyagoo markaas Kenya ku eedeynayey in ay Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah tababar militari ku siiso wadankeeda.

Kasmo Online

Nairobi

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text